5 ruux oo barakac u badnaa ayaa ku dhintay dagaalo xalay ka dhacay duleedka Muqdisho

Shan ruux oo u badnaa dad barakac ah ayaa ku geeriyootay in ka badan 10 kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib dagaalo xalay ka dhacay duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo u dhaxeeyey ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo kaashanaya Amisom iyo Al Shabab oo dhinac ah ayaa ka dhacay duleedka xerada Asluubta oo ku taala agagaarka isgoyska Ex-koontarool Afgooye ayaa ka danbeeyey marki ay Shabab halkaasi weerareen.

Qasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah ayaa waxaa sababay madaafiic ay isku weydaarsadeen labada dhinac goobaha dagaalka taasi oo u gudubtay xaafadaha ka kala danbeeya aagaga ay ka dagaalamayeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Al Shabab ay hoobiyaal kasoo tuureen deegaanada loo  barakacay ee ka shisheeya KM-13 ay ku dhaceen xaafada Xoosh halkaas oo ay ku dhinteen laba ruux oo rayid ah.

Ciidanka dowlada oo ka jawaabay ayaa iyana madaafiic ay tuureen ku dhacay deegaanada Siinkadheer iyo Carbiska oo laba jiho ka kala jira deegaanka Ceelasha Biyaha.

Duqeyntaasi waxaa ku dhintay sadex ruux oo uu ku jiray wiil da,diisu ay ka yartahay 5 sano jir sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Xaalada ayaa saakay xasiloon waxaana dagaaladaan ay imaanayaan xilli dowlada KMG ay qorsheyneyso weeraro ay sheegtay in ay ku qabsaneyso deegaanada ku hareereysan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

 

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.