5-Qof oo ku Dhaawacmay Qarax ka Dhacay Mandheera

Wararka naga soo gaaraaya magaalada Mandheera ayaa soo sheegaaya in qarax khasaare geystay uu maanta ka dhacay degmada Mandheera ee gobbolka Waqooyi Bari Kenya, ayadoona qaraxaasi uu ka dhashay khasaare soo gaaray Ciidamo ka tirsan Kneya.

Qaraxa oo ahaa Miinada meelaha fog fog laga hago ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada ka haya xuduuda Kenya.

Ilaa hadda inta la xaqiijiyay 5 ka tirsan Ciidamada Kenya ee qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxaasi, halka uu jiro khasaare dhaawac oo Ciidamo kale soo gaaray.

Kooxihii qarax ka dambeeyay ayaa la sheegay inay u soo talaabeen dhanka dalak Soomaaliya, waxaana looga shakisanyahay inay ka tirsanyihiin kooxda Shabaab.

Qarax ka dib Ciidamada Kenya waxaa ay sameeyeen howlgallo aad u ballaaran waxaana ay xabsiyada u taxaabeen dad badan oo ay Soomaali u badanyihiin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here