5 kamid ah saraakiisha ugu sar sareysa al-shabaab oo duqeyn lagu dilay

drone-Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay duqayn xalay ka dhacday deegaanka Yoontoy oo dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada.

Ugu yaraan shan ka tirsan dadka dhintay ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab, halka inta kale ay yihiin dad rayid ah.

Duqayntan ayaa timid iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ay diyaarado dagaal oo iskugu jira kuwa qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyaha wadin (Drone) ay duqaymo is daba-joog ah ka gaysanayeen deegaannada ay ka taliyaan ururka Al-Shabaab.

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha degmada Beledxaawo Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir ayaa ka badbaaday isku day kadib markii qarax lala beegsaday baabuurkiisa.

Laba ka mid ah ilaalada guddoomiyaha ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi oo manata ka dhacay magaalada Beledxaawo, sida uu guddoomiyaha u sheegay VOA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here