5 Dhacdooyin oo lagu xasuusan doono wareega 8-da Champion League

Waxaa cawada dib u furmi doona tartanka horyaalada Yurub (2012-2013), waxaana lagu furi doonaa naadiyada PSG Vs Barcelona, halka ciyaarta labaadna ay dhexmari doonto naadiyada, Bayeryn Munchen Vs Juventus.

Sidoo kale habeen danbe waxaa la ciyaari doonaa laba kulan oo ka tirsan tartankaan, waxaana fooda isku dari doona naadiyada Realmadri oo reer Spain ah, iyo Galatasraay oo Turkiga ka socota, halka ciyaarta labadna ay dhexmari doonto nadiyada Malaga Vs Brussia Dortmund….Su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah, Malaga yaabaa ineey dhacaan waxyaabo lala yaabo, sidii ay horaba uga dhaceen wareega 8-da koobkaan dhacdooyin aan marnaba la hilmaami doonin.

Waxaan jecleysanay, inaan aqristayaasha Midnimo.com, usoo gudbino warbixin ku aadan dhacdooyin layaab lahaa oo koobkaan kadhacay sanadihii ugu danbeeyay.

Inter-milan Vs Schalke O4 (2010-2011):

 

Majirin qof saadaalin karay in naadiga ku guuleystay horyaalka Yurub (Intermilan) ay Schalke uga adkaaneyso gurigeeda San Sireo, waxaana Inter markaas looga adkaaday 5/2, waxay ahayd natiijo ay adagtahay in la saadaaliyo, waxaana kulankii labaad ee kadhacay Jarmalka looga soo adkaaday 2/1.

Manchester United Vs Rome(2006-2007):

 

Manchester United, ayaa markii booqatay garoonka Olompic ee kooxda Rome, waxa looga soo adkaaday 2/1, laakiin waxay taariikh dhacday markii ay Rome soo booqatay garoonka Oltraford, markaasoo looga adkaay 7/1, habeenkaasna waxay ahayd habeenkii C.ronaldo, waxa uuna lahaa 2 kamid ah goolashaas, sidoo kale habeenkaas waxaa 2 gool dhaliyay ciyaaryahan Carrick, majirin cid saadaalin kartay in ay sidaas ku dhamaaneyso Ciyaarta.

Monnaco Vs Realmadrid(2003-2004):

 

Realmadrid ayaa 4/2 ku adkaatay ciyaarta 1-aad oo ka dhacday guriga Real, waxayna dhamaan dadka saadaaliya ciyaaraha saadaaliyeen in Real ay si sahlan kusoo baxeyso, lakin wax walbo waxay noqdeen riyo markii Monnaco 3/1 ku lagaday Realmadrid, sidaasna looga reebay tartanka.

Deportivo Vs Ac-milan(2003-2004):

 

 

Ac-milan ayaa lugtii koowaad ciyaar ka dhacday San Sireo, waxay ku adkaatay 4/1, dhamaan dadka ciyaaraha faaqidana waxay qabeen in Milan ay lug lagashay wareega 4-ta, laakiin taas waxaa ka

danbeeyay fajac iyo amakaak, oo Deportivo markii latagay gurigeeda waxay Milan ku jiiday 4/0 sidaas ayaana Milan looga reebay tartanka.

Realmadrid Vs D.kiev(1998-1999):

Naadiga reer Ukrine ee D.kiev ayaa ka yaabsaday Realmadrid,kadib markii ay haldhibac oo qaali ah ay kala soo labatay guriga Real, laakiin dad badan ayaa aaminsanaa in Realmadrid ay awood u leedahay ineey si sahlan ugu soo gudbi doonto wareega 4-ta, laakiin ma dhicin taas oo waxaa dhacday in Real lagu dubto 2/0.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here