40 muhaajiriin Soomaali ah oo meydadkooda laga helay xadka Sacuudiga iyo Yemen

Wararka naga soo gaaraya koonfurta dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in halkaasi lagu hayo meydadka 40 ruux oo muhaajiriin Soomaali ah.

Dadkan oo siyaabo kala duwani ay u dileen ciidamada ilaalada xadka dalka Sacuudiga ayaa waxaa hada meydadkooda ay ku jiraan qaboojiyaal sida uu saakay warbaahinta u sheegay Cali Jeyte Geeseey oo ah madaxa jaaliyada Soomaalida ee Koonfur dalka Sacuudiga.

Dadkaan oo u badan rag waxaa dilay dhamaantood ciidamada dalka Sacudiiga ee ilaaliya xadka ay la leeyihiin Yemen kuwaasi oo aad uga baqaya in ay kusoo dhuuntaan dalkosoa Al Shabab.

Cali Jeyte Geeseey oo ah ayaa sheegay in meydadka ay hayaan qaarkood ay leeyihiin aqoonsi halka qaar kalana aysan ka helin wax ducumiintiyo lagu aqoonsado ah.

Waxa uu tiriyey magacyada shan ruux oo uu sheegay in ay ka heleen kaarar aqoonsi ah oo ay Yemen kusoo siiyeen heyada UNHCR.

Shantaasi ruux ayaa kala ah C/lahi Maxed Xasan (Barauud), Cali Xasan Nuur, Maxamed Sahriif Nuur, Ciise Diini Abaar iyo Cali Maxamed Xasan Muunac.

Dadka Soomaaliyeed sanad kasta waxay si sharci daro ah ku galaan dalka Yemen iyaga oo sidaasi si la mid ah uga sii talaaba dalka Sacuudiga, hase yeeshee waxay kala kulmaan inta ay ku jiraan safarkooda dhibaatooyin ay ugu badan tahay dil.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.