4 Ruux oo oo Siyaabo kala Duwan Loogu Dilay Xerada Qaxootiga Dhadhaab

Wararka aan ka heleyno Xerada Qaxootiga Dhadhaab ayaa sheegaya in lagu dilay 4 Ruux oo ka mid ahaa Dadka deegaanka, kuwaasoo ay dileen kooxo hubeysan.

Dadka la dilay ayaa Labo ka mid ah waxa ay yihiin Dad xoolo dhaqato ah, kuwaasoo xalay lagu dhex dilay Xerada Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari.

Kooxda Dishay Labada ruux oo aan la garaneynin ayaa la sheegayaa inay fariin u soo dhiibeen Dad ay isku arkeen wadada, iyagoo ka dalbaday inay gaarsiiyaan Ehelada labada ruux ay dileen.

Marki ay akhbaarta soo gaartay Ehelada Dadki la dilay ayay u ambabaxeen si ay u soo qaataan Meydadka labada ruux, iyagoo isla markiiba ku dhaqaaqay halka lagu dilay.

Balse Ehelada inti ay ku sii jeedeen halka Meydadka yaalaan  ayaa iyagana wadada loo galay, waxaana halkaasi looga dilay Labo ruux, halka laga dhaawacay Hal ruux, waxayna taasi geerida ka dhigtay 4 ruux oo dhimasho ah hadana isku qoys ah.

Saraakiil u hadlay Booliiska ku sugan Xeryaha Dhadhaab ayaa sheegay inaan la aqoon sababaha loo dilay 4 ruux, hase ahaatee ay wadaan baaritaano xoogan oo ku saabsan arintan.

Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa amaankooda waxa uu yahay mid faraha ka sii baxayo, waxaana ka dhacaya dilal qorsheysan oo aan la aqoon cida ka dambeysa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here