4 ruux oo lagu dilay inta u dhaxeyo Garawe iyo Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in deegaanka Abaareey oo 50-km u jirto magaalada Gaalkacyo xalay lagu dilay ilaa iyo 4 ruux oo la socday baabuur rakaab ah.

Dilka ayaa ka danbeeyey marki koox maleeshiya ah ay ay rasaas ooda uga qaaday gaariga oo ahaa Hoomey ay saarnaayeen dad isugu jira rag iyo dumar oo marayey deehaankaasi oo u dhaxeeya Gaalkacyo iyo Garoowe.

Wariyaasha ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in dadka dhintay oo ay ahaayeen dhamaantood dad rayid ah oo ka amba baxay magaalada Gaalkacyo kuna sii jeeday Garoowe.

Lama oga sababta ka danbeysa weerarka ay ku qaaday kooxdaasi gaarigaasi ay la socdeen dadka rayidka ah, balse waxaa loo maleynayaa in ay arintani la xiriirto aano qabiil.

Saraakiisha xaga amaanka ee Puntland ayaa ku eedeyey in dadka falkaasi guracani ka danbeeyay ay kasoo jeedaan koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.