4 qof ayaa ku dhimatay madaafiic Qoryooley laysku weydaarsaday

1379703_688221707883464_299563329_nWararka ka’imaanaya degmada Qoryooleey, ayaa sheegaya in 4 qof oo kasoo kala jeeda 2 qoys ay ku dhinteen Madaafiic maanta laysku weeydaarsada degmada Qoryleey.

Afartaan qof ee dhimatay, ayaa dhamaantood ahaa dad shacab ah oo aan waxbo galabsan, waxaana guryahooda ugu tagay Madaafiic ay is weeydaarsadeen kuwa shabaab iyo Ciidamada is garabsanaya.

Dad hor leh ayaa lasoo sheegayaa, ineey maanta isaga bara kaceen Qoryooleey.

Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM, ayaa shalay kuwa Al-shabaab si xoog ah ugala wareegay degmada Qoryooleey oo mudo 5 sano ah ay maamulayeen.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here