4 ka mid ah dhaawacyadi shilki xumaa ee xalay ka dhacay Muqdisho oo geeriyootay

Iyadoo ay isa soo tarayaan dadki ku dhaawacmay shilki baabuur ee shalay ka dhacay wadada Maka Al Mukarama ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay geeriyoodeen qaar ka mid ah dhaawacyada.

Isbitaalka Madina oo xalay maqribki ilaa iyo fiidki la dhigay ilaa iyo 42 ruux oo dhaawacyada ah ayaa la sheegayaa in ay ku geeriyoodeen 4 ka mid ah dhaawacyada.

Agaasimaha isbitaalka ayaa sheegay in sadex ka mid ah ay dhinteen waxyar kadib marki la seexiyey xalay fiidkii, sidoo kalana canug yar oo aanan wali la aqoonsan cida dhashay uu dhintay saakay aroortii.

Isbitaalka ayaa waxaa hada jiifa 22 ruux halka ay lugahooda uga baxeen 17 kale oo qabay dhaawacyo fudud sida uu sheegay agaasimaha isbitaalka.

Dhanka kale isbitaal Banaadir ayaa waxaa jiifa qaar badan oo ka mid ah dhaawacyada oo u badan dhalinyaro aad u yar yar qaarkoodna ay yihiin caruur, waxaa sidoo kale la sheegayaa in uu ku dhintay hal qof oo ka mid ah dhaawacyadaasi.

Dadkaan ayaa ku dhaawacmay shil baabuur kadib marki gaari weyn oo ay la socdeen uu ku rogmaday wadada Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho xilli ay kasoo laabanayeen ciyaar dhinaca kubada cakta ah oo dhexmartay degmooyinka Yaaqshiid iyo Wadajir.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.