Xeebaha Soomaaliya oo mardhow loo soo dalxiisi doono

Waa doomo yaalla badda, gaar ahaan hotelkii caanka ahaa ee Curubo oo hadda burbursan
Waa doomo yaalla badda, gaar ahaan hotelkii caanka ahaa ee Curubo oo hadda burbursan

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, oo hadda ka soo kabaneysa dagaaladii ay ku jirtay muddada dheer, waxaa ka billowday dib u dhis xooggan, magaalada waxaa hadda ku soo laabtay dad aad badan kuwa doonaya in ay ka qayb qaataan dib u dhiska iyo maal-gashiga dalka.

Bashiir Cusmaan wuxuu hadda doonaya in dhismooyin waaweyn oo qurux badan uu ka dhiso xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

Bashiir ayaa hadda ku taamaya in uu ka dhiso agagaarka xeebta Liido dhismooyin isgu jirra Hoteelo iyo kuwa kale oo lagu raaxeesto.

Dhismooyinkan waxaa ku baxaya malaayin dollar, laakin lacagta ka soo xarooneysa ayaa ka badan, sida uu aaminsan yahay Bashiir, oo hadda billaabay dhismooyin casri ah oo magaalada aan laga heynin maanta.

Dhismooyinkan waxaa laga dhisayaa caasimada Muqdisho, oo ah magaalo dagaalo ay burburiyeen.

Waa Bashiir Cusmaan oo la taagan mid ka mid ah gaadidka wiish-ka ee wax dhisa
Waa Bashiir Cusmaan oo la taagan mid ka mid ah gaadidka wiish-ka ee wax dhisa

“Waan ogahay in maalin Muqdisho ay noqon doonto nabad iyo meel xasillan,” sidaas waxaa yiri Bashiir Cusmaan, kaasoo horrey magaalada uga hirgaliyay labo hotel.”

In ka badan 20-sanno oo khalalaaso ay ka socotay Soomaaliya, waxa ay hadda ku dhow dahay in ay ka soo kabsato waxaas tan iyo bishiii September  ee sannadkii horre, xilligaas oo lagu doortay madaxweynihii ugu horreeyay waddankiisa dhowr iyo toban sanno.

In kastoo weli dhinaca ammaanka uu yahay arrin taagan, in kastoo magaalada ay ku soo laabteen dad aad u badan oo ah qurba jog iyo ganacsato Soomaali ah, kuwaasoo doonaya in ay maalgashi ka sameestaan dalkooda.

Bashiir, oo ku sugnaa Soomaaliya intii uu socday dagaalka sokeeye, wuxuu rajo wayn ka qabaa in horrumarka dalka ka billowday inuu soo jiidan doono dadka ka yimid qurbaha.

Wuxuu yiri horrey waxaa Hotelkayga yimid dad ka yimid Britain iyo Maraykanka kuwaasoo dalka booqasho ku yimid

“In ka badan 20-dalxiisayaal ah ayaa yimid Hotelka, qaar ka mid waxaa la socday ehelkooda si ay u soo tusaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ,” ayuu yiri Cusmaan

Mid ka mid ah hotelada uu dhisay Bashiir, waa mid laga hirgaliyay xeebta Liido, waxaa uu soo jiitay qurba joog fara badan, kuwaasoo ku raaxeextay eedeega laga helayo hotelka uu lee yahay Bashiir Cusmaan.

Dhaqaalaha magaalada ayaa hadda sara u kacay, waxaa magaalada dib ugu soo laabtay Soomaali badan oo ka timid Maraykanka iyo Yurub, kuwaas ka billaabay caasimada ganacsiyo cusub, waxa ay magaalada ka dhiseen hotelo caalami ah.

Magaalada waxaa ka shaqeeya diyaarado ku dhawaad 15-duulimaad oo isujira maxali iyo caalami ayaa maalin kasta magaalada ka baxa.

Cusmaan Cabdulaahi waa nin dhallinyaro ah oo Soomaali ah, wuxuu magaalada ka hirgaliyay ganacsi kaasoo ah isagoo keenay magaalada diyaarad lagu magacaabo ODAY, taasoo gobalada dalka u safarta.

Cabdulaahi wuxuu ka yimid Maraykanka sannadkii 2010-ka,wuxu ku soo laabtay dalka isagoo ganacsi wayn ka hirgaliyay.

Fikirkii uu ka aaminsanaa Soomaaliya wax-badan ayaa iska  badalay Cismaan, wuxuu hadda aamisan yahay in magaalada ay tahay mid xasiloon oo uu ka socdo dib u dhis xooggan.

Wali dowladda waxaa gacan siiya ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM, Brigadier Michael Ondoga, wuxuu ka tirsan yahay saraakiisha AMISOM, wuxuu u sheegay  CNN in Al-Shabaab laga adkaaday oo magaalada Muqdisho laga saaray, laakin wali waa kuwa ka geesta ayuu yiri falal ammaanka wax u dhimaya, laakin kuma xooggana ayuu sii raaciyay.

Xigasho CNN. Xuquuqda Turjumaada waxaa leh Bahda  Shabakadda Midnimo.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com 

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. Aad aan ugu farax sanahay in ey muqdisho ka soo kabsaneeso sidii hore markasto aan salaad tukto waan u duceeya dalkey in uu noqdo mid xasiloon oo dadka ey naalooda jawi dagan waana u bahad celinayaa bashiir cusmaan iyo c/laahi sidee dalkooda u hormariyaan

Leave a Reply to Cusmaan yuusuf barqadle Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here