Madaxda IGAD oo ku shiray Addis Ababa ayaa walaac ka muujiyey xaaladda Kismaayo

Madaxda IGAD oo Xalay kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa isku raacay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Muqdisho ku qabato shir Qaran oo dib u heshiisiin ah oo ay ka soo  qeybgalaan Soomaalida deegaanka Jubbooyinka si loo sameeyo maamul ku meel gaar ah oo ka shaqeeya sidii dowlad goboleed waafaqsan dastuurka loo heli lahaa oo ay dowladdu hoggaamineyso.

War-mutiyeed ka soo baxay shirka madaxda IGAD ayaa lagu sheegay in DF Somalia ay hoggaanka arrimaha Jubbooyinka ay qabto isla markaana IGAD doorkeeda uu noqo kaliye taageero uun.

Madaxda IGAD waxey walaac ka muujiyeen xaalada Kismaayo oo ay ugu baaqeen dadka deegaanka inay illaaliyaan xasilinooda kana fogaadaan wax walba oo keeni kara colaado hor leh oo bilowda.

Madaxda IGAD ayaa warbixin ka dhageestay guddi dhawaan loo diray magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo kuwaasoo qiimeenaayay xaaladda magaalada Kismaayo oo lix madaxweyne looga dhawaaqay.

Ugu dambeen madaxda IGAD waxay ugu baaqeen dhinacyada isku haya Kismaayo in ay xasiloonida ilaaliyaan, iyadoo xiisadaha ka jira magaalada ay khatar galin karaan nabadda iyo daganaanshaha, sida lagu sheegay war-murtiyeedka.

Shirkan waxaa ka horeeyay shir kale oo shaley subixi ay yeesheen wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka urur goboleedka IGAD, kuwaasoo ku booriyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay hormuud u noqoto shir dib u heshiisiin oo la isugu keenayo kooxaha isaga soo horjeeda gobolada Jubbooyinka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here