34 Sano kadib Iiraan Iyo Masar oo dib usoo celiyay duulimaadyadii hawada

Waxaa markii ugu horeesay saakay garoonka diyaaradaha ee Qahira, kaduushay diyaarad Rakaab oo kuwajahan Dehran, xiriirka labada dal ayaa xumaaday mudo 34 sano kahor ah, markaasoo talada Dalkaas Iiran ay qabsadeen Kacaanka hada kataliya.

Diyaaradan ayaa siday 8 qofood oo reer Iiraan ah, waxaana kamid ahaa diblomaasiyiin.

Masuuliyiin katirsan shirkada duulimaadyada Masar oo BBC-da wareysi siinayay ayaa sheegaya in duulimaadka maanta uusan ahayn duulimaadyo habaysan oo jadwal leh, laakiin kaliya uu yahay mid xayeeysiin ah.

Xiriirka labada dal ayaa go’ay kadib markii uu madaxweynihii hore ee dalka masar Anwar Saadaad, uu heshiis la saxiixday doowlada Srael 1979.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here