Madaxweynaha oo sheegay in ay dambi tahay jarista dhirta iyo dhoofinta dhuxusha

Madaxweyne Xasan oo geed ku abuuraya madaxtooyada Villa Somalia
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Arbaca ah kulan la qaatay wafdi ka socda QM, gaar ahaan hey’adda saraakiil ka socday hey’addaha WFP, FAO, iyo madax kale.

In kastoo kulankan uu ahaa mid albaabada u xiran, haddana waxaa looga hadlay muhiimadda ay leedahay Bay’ada iyo sida looga hortagi karo xaalufinta dhirta Soomaaliya, waxaana kulanka inta uu socday dowladda ay heshiis kala saxiixdeen Qaramada midoobay Kaasi oo ay malaayiin Dollar ku baxeyso si loo joojiyo dhoofinta Dhuxusha.

Kulanka waxaa ku sugnaa wasiirka Kheyraadka xukuumadda Soomaaliya,Cabdirisaaq Cumar Maxamuud iyo xubno kale.

Madaxweynaha oo war kooban ka sheegay munaasabadda ayaa ku sheegay in ay dambi ay tahay in la jaro dhirta lana dhoofiyo.

“Waxaa jira sharciya ay dowladda Soomaaliya kasoo saartay jaridda dhirta biloowgii 1970kii, Waxaa kale oo jira resolutiono ay soo saartay Qaramadda Midoobay oo ku aadan dhuxusha iyo dhoofinteeda waa lama huraan in la dhaqan geliyo sharciyadaan” ayuu yiri Madaxweynaha dalka.

“Markale ayaan ku celinayaa dhoofinta dhuxusha waa danbi, Dhirteena waxaa ku xeran nolosheena, waa in aan hirgelino sharciyadda dalka iyo kuwa Caalamka si aan u badbaadno” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan.

Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha wuxuu isla Madaxtooyadda ku beeray geed cusub lana dar-daarmay dhamaan shacabka Soomaaliyeed in guri walbo lagu beero geed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com