31-Musharax oo Maanta Araajida Laga Qabtay

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda diyaargarow ballaaran oo loogu jiro doorashooyinka Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado in la qabto 10-ka bishaan.

Cismaan Libaax afhayeenka Guddiga doorsahada ayaa maanta u sheegay Warbaahinta in ay isa soo diiwaan galiyeen in kaban 31 musharax oo u toogan in ay qabtaan xilka Madaxweynanimada Soomaaliya.

Waxa uuna intaas ku daray in ay qabashada araajida socon doonto ilaa 6 bishaan isla markaana ay u qeybiyeen Foomamkii lagu soo buuxin lahaa shuruudaha Cismaan Libaax ayaa sheegay in guddiga uu wali ku guda jiro howlii loo idamaday maalintii labaadna ay tahay qabashada araajida Musharaxiinta u tartameysa Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Cismaan Libaax oo ka hadlay shuruudaha ayaa sheegay in qaar ay yihiin Dastuuri qaarna ay sameeyeen guddiga Doorashada.

Guddiga doorashada ayaa qorshaynaayo in ay dhacdo 10 bishaan doorasha Madaxweynaha Soomaaliya kama danbeys sida uu sheegay Afhayeenka Guddiga doorashada Cismaan Libaax.

Sikastaba dad badan ayaa aaminsan in qaar kamid ah musharaxiinta ay buuxin waayeen shuruudaha looga baahan yahay sidaasi darteedna ay isaga hareen tartanka doorashada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here