30 diblomaasi oo aqoon kororsi loogu qaaday Koofur Afrika

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aada, wasiirada arimaha dibadda doowlada Soomaaliya, ahna ra’iisulwasaare ku xigeenka, ayaa maanta ka qayb gashay xaflad lagu sagootinayay 30 diblomaasi oo manta aqoon kororsi loogu qaaday wadanka Koofur Afrika.

Foowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa wasaaradeeda ku amaantay intii ay jirtay waxqabadkeedii tababarkan ay udirtay diblomaasiyiinta.

“Waxaan rajeeynayaa inaad ka faa’iideysataan, waxaan rajeeynayaa inaad dalka wanaag iyo karaamo usoo jiidaan” ayay tiri marwo Fowsiya oo ereyo dardaaran ah u jeedineysay diblomaasiyiinta maanta loo qaaday wadanka Koofur Afrika.

Diblomaasiyiintan tababarka loo diray ayaa noqonaya kuwii ugu horeyay ee intii ay jirtay xukuumada Ra’iisulwasare Saacid waxbarasho loogu diro dalka dibadiisa.