3 ruux oo saacadihi lasoo dhaafay lagu dilay degmada Wadajir

Sadex ruux ayaa 24-ki saac ee lasoo dhaafay siyaabo kala duwan loogu dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Askari ka tirsan ciidanka milatariga dowlada KMG Soomaaliya ayaa shalay galabti ku dilay xaafada Ceel-Geeloow degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho laba askari oo ay qaraabo suke ahaayeen sida ay xaqiijiyeen dad goob joog ah.

Goobjoogayaal iyo dad ay xigto ahaayeen askariga wax dilay iyo kuwa la dilay ayaa sheegay in ay isku dagaaleen muran soo kala dhex galay, iyadoo uu goobta ka baxsaday gacan ku dhiiglaha.

Dhanka kalana askari ka tirsan ilaalada gaarka ah ee gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Daaci ayaa toogtay mid ka mid ah darawalada gaadiidka qaaska ah ee Mr Daaci kadib marki ay murmeen.

Saraakiisha maamulka degmada Wadajir ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan kooxaha dilka geystay isla markaana ay hor keenayaan cadaalada gacan ku dhiiglayaasha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.