3 laacib oo ka dhaawacantay xulka England

Xulka Ingiriiska ayaa waxaa soo hardiyey mowjado dhaawacyo ah kadib marki ay hal mar ka wada dhaawacmeen sadex laacib oo muhiim ah kuwaasi oo kala ah  Chris Smalling, Steven Gerrard iyo Daniel Sturridge.

Daafaca la yiraahdo Chris Smalling ayaa cisbitaalka loo qaaday kadib marki uu daqar xoog leh ka gaaray madaxa inti ay socotay ciyaar saaxibtinimo oo xalay garoonka Wembaly ku dhexmartay dalalka England iyo Netherlands taasi oo ku dhamaatay 3-2.

Xidigaan kooxda Manchester United ayaa ku dhacay weeraryahanka dalka Holland Klaas Jan Huntelaar iyaga oo madaxa iska hardiyey, waxaana markaasi ay aheyd xiligi uu goolka dhalinayey Dirk Kuyt.

Ciyaarta ayaa in mudo ah dib loo dhigay iyadoo labada laacib ay garoonka jiifeen waxoogaa kahor inta aanan la badalin.

Kabtanka kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa laga saaray garoonka si loogaga gaashaanto dhaawac kasoo gaaray bowdada sida uu sheegay sii haayaha xilka tababarka kooxda qaranka Ingiriiska Stuart Pearce.

Ugu danbeyntiina weeraryahanka Chelsea Daniel Sturridge, oo lagu badalay Gerrard daqiiqadi 33-aad ayaa isna dhaawacmay marki uu ku noqday suulka taasi oo qasabtay in dibada loogaga saaro garoonka ka hor inta aysan dhamaan.

Arjen Robben ayaa laba gool ka dhaliyey xulka England, halka Ingiriiska ay goolasha u kala saxiixeen Gary Cahill iyo Ashley Young, balse waa laga badiyey oo waxaa lagu garaacay 3-2.