20 sano kadib dekeda Muqdisho oo xalay laga dhoofiyay xoolaha nool Sawiro

Markii ugu horeeysay mudo kabadan 20 sano ayaa dekeda magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa xalay laga dhoofiyay xoolaha nool ee dalka Caanka ku yahay, dekada Muqdisho ayaa mudadaas dheer aan wax xoolo ah laga dhoofin sababo la xiriira colaadihii magaalada kajiray.

Xaflad daaha looga rogayay dib u bilaabida dhoofinta xoolaha nool ee dekeda magaalada Muqdisho, waxaa masuuliyiintii ka qayb gashay kamid ahaa wasiir ku xigeenka ganacsiga iyo warshadaha C/qaadir Shiikh Ismaaciil,  iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya wasiir ku xigeenka ayaa tilmaamay in xukuumada Soomaaliya gaar ahaan wasaarada ganacsiga ay ku guuleysatay muddo kadib in dekeda magaalada Muqdisho laga dhoofiyo xoolaha nool ee dalku uu caanka ku yahay.

Wasiirka ayaa sheegay in raaca ugu horeeya ee xoolaha laga dhoofinayo ay tira ahaan gaarayaa 545 neef oo lo’ah xoolahan ayaa loo dhoofinayaa wadanka Cumaan wuxuuna tilmaamay in wasaarada ganacsiga dowlada Soomaaliya ay diyaar gareysay dhoofinta xoolaha nool isagoona tibaaxay iney diyaariyeen tasiilaadkii iyo agabkii  lagama maarmaanka u ahaa  dhoofinta xoolaha nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here