29-ka Decembar maalin Saxaafadda Soomaaliyeed ay waayeen rug cadaa

29-ka Decembar maalin Saxaafadda Soomaaliyeed ay waayeen rug cadaa halbowle u ahaa xorriyadda Saxaafadda

Maanta oo kale waxay bahda Saxaafadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed dhegahooda ay maqleen dhawaaq aysan jecleysan, markii tii Alle u timid Maxamed Muxiyaddiin Cali oo la dhihi karo wuxuu ahaa halbowlaha Saxaafadda Soomaaliyeed, waxaana qoraalkan ugu qeyb qaadaneynaa inaan xuskiissa kala qeyb qaadano ehelkiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan intii taqiin.

29-kii bishii Decembar 2007-kii ayaa gacan ka gardaran uu ku sababeysatay Maxamed Muxiyaddiin Cali markii qarax miino lala beegsaday xilli uu ka soo baxay hoyga uu ka deganaa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, wuxuuna u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi miino ee dhagar qabayaasha ay dhigeen.

Maxamed Muxyaddiin wuxuu ahaa suxufi weyn oo muddo 23 sano ah ka soo shaqeynayey howlaha warfaafinta, iyadoo si weyn dalka iyo dibadda looga yaqaanay, wuxuuna muddooyinkii danbe ahaa Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana ahaa Agaasimihii Warfaafinta Gobolka xiligii Maxamed Dheere.

Maxamed Muxyaddiin wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu tegay taariikh lama ilaawaan ah, waxaa lagu yaqiin daacadnimo, furfurnaan, calool jileec, deeqsinimo iyo qof walba oo uu saaxiib la noqdo, waxaanse la hilmaami karin doorkii Saxaafadeed ee uu ka soo qaatay dalka muddadii bur burka uu ka jirey, Wuxuu tifaftire ka noqday Wargeyskii ugu horeeyay ee laga soo saaro dalka markii xukuumaddii Kacaanka la riday.

Maxamed Muxiyaddiin wuxuu howsha saxaafadda uu ka dhaxlay aabihii Muxiyaddiin Cali oo sannadkii 1984-kii ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Maxamaed ayaase qabtay kaalintii aabihii uu kaga jiray howsha saxaafadeed, wuxuuna ka howlgaleyey Wargeyskii Xiddigta Oktoobar, iyadoo markii ay meesha ka baxday Dowladdii Kacaanka wuxuu bilaabay in uu horay u sii wado ama abuuro saxaafad madax bannaan oo ka howlgasho dal 21 sano ku jiray kali talisnimo, wuxuuna aas-aasay Wargeyska XIDDIGTA PANORAMA, oo cadadkii ugu horeeyay Wargeyskaasi nasiib u yeeshay in lagu daabaco Madbacadii Qaranka wuxuu ka soo shaqeeyay website kan Midnimo.com oo uu muddo kus oo bixijaray wararka iyo warbxinada uu ka qoro dalka.


Wargeyska Xiddigta Panorama wuxuu noqday Wargeyskii ugu horeeyay ee ka soo baxa Muqdisho markii ay burburtay xukuumaddii Siyaad Barre, wuxuuna Maxamed Muxiyaddiin abuuray saxaafad Madax banaan oo ka hana qaato dalka Soomaaliya, taasoo uu ku muteystay sharaf iyo magac uu ku dhex yeesho bahda Saxaafadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaana durbadiiba dalka ka abuurmay Wargeysyo kale oo fara ku tiris ah kuwaasi oo maray wadadii uu jeexay Allaha u naxariistee Maxamed Muxiyaddiin Cali.

Maxamed Muxiyaddiin wuxuu ka qeyb qaatay shirarkii dib u heshiisiinta iyo kuwo kale oo looga hadlayey arrimaha dalka Soomaaliya isagoo door muuqda ka qaatay dib u heshiisiinta dalka muddadii kala guurka, isagoo adeegsanaya mihnadiisa saxaafadeed.

Allaha u naxariistee Maxamed Muxiyaddiin wuxuu ku mudeystay mudadii dowlad la’aanta arrimaha saxaafadda ammaan, dhaliil, hanjabaadyo iyo caga jugleyn ugu imaaneysay maamulladii kala duwanaa ee dalka ka soo maray, ugu danbeyntiina wuxuu u dhintay hadafkiisa xaqa ku saleysnaa isagoo u istaagay inuu dadkiisa iyo dalkiisa aqoontiisa ugu faa’iideeyo.

Maxamed Muxiyaddiin ma dhiman ee waa dhuuntay, waxaase hadafkii iyo qariidadii uu jeexay halkeedii ka sii wadi doona dhalinyaradii Soomaaliyeed ee uu soo wax baray, kuwaasi oo maanta qaarkood wixii uu baray gacanta ku haaya kuna shaqeysta, waxayna ugu mahadcelinayaan howshii sharafta badan ee uu ku barbaariyay oo mirahoodii ay maanta guranayaan.

Ugu danbeeyntii waxaan ku bogaadinayaa dhamaan asxaabtiisa qaaliga ah ee nagala qeyb qaadatay xuskiisa, sidoo kale waxaa xusid mudan in qof walba oo shacabka Soomaaliyeed wax tara, xaqana ku taagnaada in maalin uun la xusi doono.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com