272 maxbuus oo ku dhimatay dab ka kacay xabsi ku yaala dalka Honduras

Ku dhawaad 300 oo dhamaantood maxaabiis ahaa ayaa ku dhimatay dab ka kacay xabsi ku yaala magaalada Comayagua ee dalka Honduras.

Madaxa waaxda adeega caafimaadka ee dalkaasi haweeneyda la yiraahdo Lucy Marder ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee Rueters in warbixinta sheegeysa dhimashada 272-da ruux ee dhimatay ay tahay mid hor dhac ah lagana yaabo in tirada ay siyaado.

Qaar ka mid ah maxaabiista ayaa baxsatay kadib marki ay jabsadeen saqafka sare ee xabsiga sida ay xaqiijiyeen qaraabada dadkaasi oo la hadlay warbaahinta caalamiga ah.

Saraakiisha ayaa baaraya waxa sababay dabka, hase yeeshee warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay dhici karto in dabka uu ka dhashay cilad dhinaca korontada ah.

Dabka ayaa bilowday habeenimadi Salaasada waxaana damintiisa ay qaadatay in ka badan hal saac.

Tobaneeyo maxaabiis ah ayaa ku xanibmay qolalka jeelka waxaana la kala garan waayey muuqaalkooda kadib marki ay gubteen.

Afhayeen u hadlay waaxda dab damiska ee magaalada Comayagua Josue Garcia ayaa sheegay in wixi ay arkeen uu ahaa dab aad u cuslaa.
Comayagua, oo uu ku yaalo xabsiga gubtay waxa ay 100km dhanka waqooyi kaga beegantahay magaalada caasimada ah ee Tegucigalpa, waxaana ku jiray maxaabiis lagu qiyaasay 800 oo ruux.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.