27 qof ayaa ku dhimatay Iraq

140205102213_baghdad_304x171_bbc_nocreditUgu yaraan 27 qof ayaa ku dhintay markii bambooyin is xig xiga ay ka qarxeen bartamaha caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad. Weerarkan ayaa dhacay subixii hore iyadoo xilligaasi dadku ay u socdeen shaqooyinka.

Wuxuuna ka dhacay meel u dhaw goobta sida aadka ah loo ilaaliyo ee loo yaqaan Green Zone oo ay ku yaalan inta badan xafiisyada dawladda iyo safaaradaha Reer Galbeedka.

Laba baabuur, ayaa lagu qarxiyay banaanka hore ee dhismaha wasaarada arimaha dibada. Qarax kale ayaa ka dhacay meel maqaayad ah.

Waddanka Ciraaq waxaa baryahanba ka jiray mowjado weerarro ku saleysan qolo-qolo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here