Qalab Isboorti oo la siiyay Xiriirka Kubadda Kolayga Soomaaliya

Waxa magaalada Muqdisho ka dhacday xaflad lagu guddoonsiinaayay xiriirka kubadda koleyga Soomaaliyeed qalab Sports oo aad muhiim ah, kuwaasoo lagu dhiiri galinaayay xiriirka howsha ay hayaan.

Xafladda oo ka dhacday garoonka kubadda kolayga ee 1-da Luulyo {Ex-Luujino} oo ku yaalla degmada Cabdul Casiis ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka tirsan xiriirkaas.

Qalabkan ayaa la sheegay in uu ka soo gaaray xiriirka waddamda qurbaha sida Ingiriisha waxana soo aruuriyay guddoomiyaha ururka dhallinyarada jiilka cusub ee Isboortiga iyo dhaqanka  Cabdiqani Cabdullaahi Hilowle (Cabdiqani Jeenyo).

Wuxuu goobta ka sheegay in ururkooda ay go’aasadeen siddii ay qalab u guddoon siin lahaayeen xiriirka kubadda kolayga Soomaaliyeed, kuwaasoo aan qalab fiican aan heesan isla markaana taageero xooggan aysan helin.

“Ma aha markii igu horreysay ee aan Muqdisho keeno qalab Isboorti, waxaan goob joog u ahaa tababarro kala duwan oo ay ciyaartoyda qaadanayaan waxaa inuu soo baxay inay u baahan yahiin qalaf ay ku hormariyaan ciyaarahooda oo ay ka mid yihii gacan gashi dhididka ay isaga celiyaan iyo kubaddo tayo leh” ayuu yiri Cabdiqani Jeenyo.

Waxa kaloo goobta ka hadlay guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Kolayga Ibraahim Xuseen Cali (Roombo) oo ugu horreyn uga mahadceliyay Cabdiqani Jeenyo qalabka Sportska ee uu guddoonsiiyay isla markaana loo baahanaa qalabkan.

“Qalabkii ug horreeyay ee uu Muqdisho keeno ma ahan Cabdiqani Jeenyo, waxa uu ka mid yahay dadka gacanta ka geesta tayeenta ciyaaraha kubadda kolayga” ayuu yiri Mr. Roombe.

Cabdi Qani Jeenyo ayaa horrey uga mid ahaa ciyaartoydii Soomaaliya ee kubadda Kolayga, waxa kaloo sannadkii 2011-ka uu ra’iisal wasaarihii hore Maxamed Cabdulaahi Farmaajo u magacaabay la taliyaha arrimaha dhallinyarada iyo Isboortiga xukuumadiisa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here