26 ruux ayey maryaaan musharaxiinta araajidooda gudbiyey

 Waxaa sii kordhaya musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee qaatay foomamka ay ku qoranyihiin shuruudaha tartanka doorashada kuwaasi oo gaaraya 26.

Afhayeenka gudiga doorashada madaxweynaha Cismaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in foomamka shruudaha loo qeybiyey 26 musharax tan iyo shalay, isla markaana maanta ay tahay maalinti labadaa.

Sida la filayo musharaxiinta ayaa ku hari doono qaarkood lacagta gaareyso 10-ka kun ee ka dhimaneyso, iyo shuruuda ah in qof walba laga rabo in uu saxiix ka heysto 20 xildhibaan.

Dadka gudbiyey ee shuruudaha laga rabana buuxiyey waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya, Sharif Sheekh Axmed kaasi oo ah musharaxa ay dadka Soomaaliyeed u saadaalinayaan in uu kusoo bixi doono doorashada.

Sheekh Sharif oo ah madaxweyne xilkiisi dhamaaday balse wali talada haya ilaa madaxweyne kale ka imaanayo, ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Mqudisho.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ay u codeyn doonaan baarlamaanka federaalka ah ayaa waxa ay dhici doontaa 10-ka bishan September.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here