26-kii Janaayo: bilowgii Qaran jabka Soomaaliya

Maanta (26-01-1991) oo kale shacabka Soomaaliyeed intooda badan waxay u dabaal degayeen una sacaba tumayeen Jabhadii hubeysnaa ee talada dalka ka tuuray Xukuumadii Milateriga aheyd ee Marxuum Maxamed Siyaad Barre Madaxda ka ahaa, waxayna shacabku caleemo qoyan ay ku soo dhoweeyeen maliishiyooyin beeleedyo ku mideysnaa Ururkii USC oo guud ahaan la wareegay caasimadii Muqdisho, inkastoo dadku maalintaasi aysan ka fikirin maxaa xiga doona ridistii Siyaad Bare.

Inta aan u guda gelin waxyaabihii dhacay bal aan taabto sababihii sababay burburka iyo mas’uuliyada qaran jabka waagaasi bilowday, dad badan waxay aaminsan yihiin in Jabhadihii hubeysnaa ee bar bar socday kacdoonka shacab in ay u sabab yihiin dhibaatada iyo holaca maanta kacaya, inkastoo qeyb ay ku leeyihiin burburka qarankii Soomaaliyeed hadana mas’uuliyada koowaad waxaa iska lahaa Taliskii Maxamed Siyaad oo shacabka Soomaaliyeed ku maamulay Caddaalad daro aan ka dhicin dunida kale.

Dowladdii Milateriga ee Jaalle Siyaad waxay laheyd samaan iyo xumaan inkastoo shacabka ay ku xasuusan doonaan raadkii uu abuuray taasoo ka dhigtay in Maxamed Siyaad uu noqdo hoggaamiyihii ugu waxqabadka badnaa ee Soomaaliya soo mara, hase ahaatee xiliyadii danbe gaar ahaan markii Soomaaliya ku fashilantay dagaalkii 77 ee dalka looga xoreynayey gumeysigii Ethiopia waxaa bilowday kala daadsanaan sababtay in Xukuumaddii Jaalle Siyaad ku dhex milmaan rag xigto hoosaad la ahaa Madaxweynaha ilaa heer Wasiir min Agaasime iyo waardiye, waxaana Dowladdii ay noqotay mid ku kooban hal qoys oo ku amar ku taagleeya shacabka intiisa kale.

Caddaaladd darradii iyo eexdii uu abuuray Jaalle Siyaad waxay soo dedejisay in shacabku u adkeysan waayeen gabood falkii iyo xadgudubyadii ay geysan jireen shaqsiyaad ehel la ah Maxamed Siyaad Barre, taasoo dhalisay abaabul iyo kacdoon shacab oo ka bilowday gobolada dalka Soomaaliya.

Kacdoonkii shacabka ee xiligaasi waxaa si hoose ugu faa’iideysanayey oo ku duulayey Siyaasiyiin magac ku leh dalka, kuwaasi oo 15-05-1990-kii ku dhawaaqay kooxdii la oran jiray Maanafeesto, waxayna ujeedadoodu aheyd in ay xilka kala wareegaan Madaxweynihii xiligaasi Maxamed Siyaad Berre, hase ahaatee baaq ay u soo jeediyeen xubnihii ku mideysnaa Maanafeesto oo ahaa in xilka uu wareejiyo Jaalle Siyaad wuu laaday, sidoo kale waxaa mudo shan bilood kadib koox uu hoggaaminayey Gen. Caydiid iyo Axmed Cumar Jees oo Dowladda Ethiopia ay soo abaabushay degmada Mustaxiil kaga dhawaaqeen urur u hanqal taagayey in xukunka laga tuuro Jaalle Siyaad.

Ugaarsi iyo dagaalo gaadmo ah ayaa bilowday oo u dhaxeeyay ciidamadii dowladdii Milateriga iyo Jabhadihii hubeysnaa oo si dhuumaaleysi ah ku soo galayay caasimada dalka, waxaana xalku uu noqday in uu ugaarsigaasi isu rogo 30-12-1990-kii dagaalkii looga taqalusay Dowladii uu hoggaaminayey Jaalle Siyaad, waxayna ciidamadii qalabka siday ay awoodi waayeen in ay riixaan Jabhado aan aqoon milateri iyo xeelad dagaal midna heysan, waxayna afka dareen jabhadihi ciidamadii qaranka Soomaaliyeed ku tashanayey oo isugu geeyay degmooyinka Shingaani, Xamar Weyne iyo Wardhiigley.

Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad wuxuu aragyey in ujeedadu ay tahay xilka ka deg hana la dhiso dowlad caddaalada ku saleysan, wuxuuna bishii Janaayo 1991-kii bilowgeeda uu magacaabay guddigii Sulux oo ka koobnaa 75-xubnood si loo wada hadal siiyo Dowladda iyo Jabhadaha, waa xili xeero iyo fandhaal ay kala dhaceen, waxaana guddigaasi shirkoodii ugu horeeyay uu ka dhacay xarunta Madaxtooyada oo ay kula shireen Ra’iisul Wasaarihii ugu danbeeyay ee bishii Janaayo 7-deeda u magacaabay Siyaad Barre, kaasoo ahaa Cumar Carte Qaalib, shirkii labaadna guddigii Sulux iyo Hoggaamiyeyaasha Jabhadaha ay ku yeesheen hotel Towfiiq xaruntii USC ay ka duulaan tegi jirtay, waxba kama soo bixin.

26-kii Janaayo 1991-kii Maxamed Siyaad wuxuu isaga huleelay Kursigii mudada uu ku fadhiyay ee yiil Villa Somalia, xili habeen ah ayaa isaga iyo eheladiisii iyo wixii kale ee ku macangagay Madaxtooyada ay baxeen iyagoo ku socday Taangiyadii Qaranka lahaa, waxaana taladii Muqdisho ay u gacan gashay Jabhadihii hubeysnaa,halkaasina uu ka bilowday burburkii Qarankai Soomaaliyeed oo qeyb libaax leh uu ku lahaa Jaalle Siyaad.

Maxaa xigay burburkii qaranka

Kooxdii Maanafeesto ayaa u dooratay Madaxweyne KMG ah Cali Mahdi, hase ahaatee waxaa doorashadii Cali Mahdi ka soo horjeestay Gen. Caydiid, isagoo sabab ugu dhigay dhismaha dowlad KMG in marka hore la qabto shirweyne lagana soo qeybgeliyo ururada hubeysan gaar ahaan SNM, SSDF iyo kuwo kale waxaana halkaasi ka dhashay khilaafka iyo qaran jabka maanta aan taaganahay.

Hubkii Qaranka ayaa u gacan galay shacab mudo 21 sano la af hayey, ciidamadii qalabka siday oo la kala diray dhamaan arimahaasi waxaa ka dhashay in la uur falo wixii aan Hawiye aheyn ee magaalada Muqdisho ku haray iyo dadkii kale ee awooda laheyn, godobtii xiligaasi la galay iyo wixii ka horeeyayba waa geedka ay inoo beereen maamulkii Siyaad Bare iyo Jabhadihii hubeysnaa oo shacabka ka filayey in ay keeni doonaan raxmad ka roon tii la riday.

Dagaal mindhicireed caalamka la yaabay ayaa ka dilaacay dalka oo socday mudadii u dhaxeysay 17-11-1991-kii ilaa 03-03-1992-kii waxaana loogu magac daray dagaalkii Afar biloodka, kaasoo u dhaxeeyay taageerayaashii Cali Mahdi oo Jabuuti bishii Luulyo loogu doortay inuu xilka Madaxweyne sii haayo iyo Gen. Caydiid, dagaalkaasi oo sababay macluul baahsan oo gees ka gees dalka Soomaaliya ka dhacday gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya.

Waxyaabihii laga dhaaxlay burburkii Dowladdii ku dhisneyd caddaalad darada iyo sedbursiga waxay saameysay guud ahaan dalka oo Gobolo u qeybsamay, waxaana meesha ka baxay adeegyadii daruuriga ee bulsho ku nool, waxaa la bililiqeystay xarumihii hey’addihii dowliga, warshadihii wax soosaarka, goobihii waxbarashada, caafimaadka iyo wixii kale ee taariikhiga ahaa oo Soomaaliya lagu garan jiray oo meel ay ka baxeen la ogeyn.

Towfiiq xumadii ka dhalatay isku afgaran waagii Dowladdii lagu dhisay Jabuuti ee dhibkaasi sababtay waxaa ka dhashay in qabiiladii ugu tunka weynaa halgankii USC ee laaday Dowladdii jirtay iyagii ayaa dhexdooda ka qarxay, waxaana aaqirkii ay arintu noqotay in jilib walba hoggaamiye iyo urur gaar ah bannaanka keenaan si uu ugu qeyb qaato loolanka Madaxtinimada dalka.

Mudadii burburka iyo qaran la’aanta lagu guda jiray waxaa ay beesha caalamka ku mashquushay sidii ay Soomaaliya dib ugu laaban laheyd hannaankii dowladnimo hase ahaatee mar walba waxaa fashilinayey go’aanada ama maamulada ka soo baxa hadba shirkii la qabto Qabqable dagaal oo ku naaxay dhiiga umada Soomaaliyeed, beeshiisana gurbaanka u tumeysa.

Shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay dalka Jabuuti laguna soo dhisay Dowladdii C/qaasim Salaad hoggaaminayey oo shacabka yadadiilo gelisay waxay martay wadadii maamuladii ka horeeyay kadib markii Qabqablayaasha dagaalka ay laadeen go’aanadii ka soo baxay shirkii Carte, waxaana meesha ku burburay dowladdii Jabuuti lagu soo dhisay oo xitaa Koonfurta magaalada Muqdishho ka wada talin.

Beesha caalamka kama quusan in Soomaali la mideeyo oo la isu keeno, waxaana hoggaamiyeyaasha Soomaaliya oo dhan ay si wada jir ah u aqbaleen ka qeybgalka shirkii lagu soo dhisay bishii Oktoobar 2004-kii Dowladdii Madaxweynaha uu ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf, inkastoo ay u dhamaayeen qabqablayaasha dagaalka hadana waxaa culeysku uu ka yimid kooxo qarsoonaa oo daaha gadaashiisa ku jiray, kuwaasi oo isbaaro u dhigtay in Dowladdii la is dhahayey nidaamka iyo kala danbeyntii luntay ayey soo celineysaa, waxaana ay Dowladda iyo ururadii soo unkay ay ka fursan waayeen in awood shisheeye loo adeegsado taaba gelinta Dowladdaasi.

Qabqablayaashii wax ka soo dhisay dowladdi oo hadana dib isu badalay kana horyimid Madaxweynihii ay doorteen, waxaa daadka qaadsiiyay kooxihii qarsoonaa ee huwanaaa magaca Diineed, kuwaasoo dalka intiisa badan isku fidiyay, waxaana markii danbe ay arintu ku soo biyo shubatay in ciidamadii shisheeye ee itoobiyaanka ahaa gudaha dalka soo buuxiyaan, soona dedejiyeen in magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka ay ka saaraan maliishiyooyinkii Maxaakiinta oo aan habooneyn in la xaqiro Lixdii bilood ee ay Muqdisho maamulayeen ka dhigeen nabad aan horay loo arag, inkastoo dano gaar ah fulinayeen.

Qof kasta oo Soomaaliyeed wuu ka dheregsan yahay wixii ay faleen ciidamadii Itoobiya iyo kuwa AMISOM ee soo galay gudaha dalka Soomaaliya kuna yimid go’aan Baarlamaani ah, inkastoo dhinac marka laga fiiriyo haboon tahay in lagu taageero howshii ay Muqdisho ka wadeen ciidamadaasi, hadana ma jecleyn khasaaraha ay sababeen, waxaana bilowday siyaasad cusub, markii uu meesha ka baxay Cabdullaahi Yuusuf, lana soo doortay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Siyaasadaasi oo uu ku doonayey Shariifka in wada hadal iyo miiska dushiisa isugu yimaadaan kooxaha markii hore uu ka tirsanaa, hase ahaatee wey u suurageli weyday.

Dadaalkii nabadeed iyo dib heshiisiinta Sheekh Shariif uu ku doonayey in dalka lagu nabadeeyo ururada ku dhisan magaca diineedna la mideeyo waxaa go’aankaasi laalay oo afka ciida u daray kooxo dano gaar ah leh oo markii hore ku dagaalamayey in dalka ciidamo shisheeye ku soo duulay markii laga saarayna rido ku tilmaamay Dowladdii dib u heshiisiinta ee mar kale lagu soo cusbooneysiiyay dalka Jabuuti, taasoo ilaa weli cagta dhulka la weysan, qulqulatooyinka dagaalna weli sidoodii ayey ugu sii socdaan dalka Soomaaliya.

Gabagabadii qoraalkeyga xusuusta qaran jabkii Soomaaliya waxaan ku soo gunaanadayaa tusaalooyin muhiim ah oo xalka Soomaaliya furo u noqon kara hadii la raaco taasoo ah in la maro wadooyinkii ay mareen hoggaamiyeyaashii Afrika iyo dalalka kale ay ku nabadeeyeen dalalkooda kuwaasoo ay ka mid ahaayeen hoggaamiyihii South Africa Nelson Mandela oo ka mid ahaa dadkii u soo halgamay xorriyada dadka Madowga, aaqirkiina ku guuleystay inuu noqdo Madaxweynaha dalkaasi, isagoo ku baaqay in xalay dhalay laga noqdo wixii gabood fal ahaa ee dalkaasi ka dhacay, lana dhiso guddi ka shaqeeya dib u heshiisiinta iyo isweydiinta wixii gabood fal ah ee dhacay, kuwii falalka foosha xun geystayna waxaa loogu baaqay in ay qirtaan wixii ay geysteen si loo cafiyo, tallaabadaasi oo ilaa hadda dalka South Africa ku dhisan tahay.

 

W/Qoray: Ali Muhiaddin Ali
Muxiyaddiin@hotmail.com

www.twitter.com/AliMuhiaddin
www.facebook.com/alimuhiaddin