Seddex iyo labaatan qareeno oo qalin jabiyay

Waa arday qareeno ah oo qalinjabiyay
Waa arday qareeno ah oo qalinjabiyay

Sida ay qortay BBC-da, Jaamacadda Puntland State University ayaa waxaa ka qalin jabiyay 23 abukaate oo ay ku jiraan 11 dumar ah.

Waa markii ugu horeysay oo Puntland taarikhda oo arrintan ay ka dhacdo sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hey’adda UNDP Somalia.

Qaar ka mid ah arday qalin jabiyay ayaa sheegay cilmiga ay barteen in ay ugu faa’ideen doonaan shacabkooda.

Tallaabadan waxaa soo soo dhaweeyay maamulka Puntland iyagoona sheegay in ay wax badan ka qaban doonaan kiis dhinac bini’aadinimada oo ka dhaca dalka.

Qaar ka mid ah gabdhaha ayaa sheegay in ay ku farax san yihiin in abukaatayaal ay noqdaan maadama Soomaaliya ay ku yer yihiin dumarka qareenada ah.

Ra’yigaaga ka soo dhiibo?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here