21 sano kadib oo galabta dib loo furay Tiyaatarki Qaranka Somalia ee Muqdisho

Waxaa goor dhaweyd oo galabta ah dib loo howlgeliyey Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya ee magaalada muqdisho marki ugu horeysay mudo 21 sana ah kadib.

Dadaalo ay sameeyeen dowlada KMG Soomaaliya hey’ada Cilmi Baarista iyo Wadatashiga ee CRD ayaa lagu suura geliyey dib u furista Tiyaatarka  oo ay maanta ka qeybgalayaan dad gaaraya 1,000 qof.

Xaflada furitaanka ayaa waxaa goob joog ka ah madaxwenaha Soomaaliya, Sharif Sheekh Axmed, Ra’isulwasaare C/wali, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale.

Waxa kale oo goobta jooga fanaaniinti hore ee kooxaha kala duwan ee fanka Soomaaliyeed, saxafiyiin, dad ka socda qeybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda hey’ada CRD oo laheyd abaabulka barnaamijkan.

Waxaa haatan socdo ruwaayado iyo heeso goos goos ah oo ay qaadayaan kooxaha hobalada Waabari, Heegan, Horseed, iyo kuwo, kale iyada oo si toos ah loogaga dhageysanayo idaacadaha magaalada Muqdisho iyo TV-yada Qaranka, Universal, Al Jazeera Mubashar iyo kuwo kale.

Waxaa loo madlanyahay in lagu dhigo soo bandhigo Golaha Murtida iyo Madadaalada bandhig faneed la magac baxay “Hirgali Hamigaaga Faneed” kuwaasi oo la rajeynayo in ay heeso, gabayo, buraanburo iyo suugaan cusub kusoo bandhigaan fanaaniinta dalka Soomaaliya.

Wixi kusoo kordho bandhigaan dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.