Sokor laga soo diiday Kenya oo Dekeda Muqdisho laga dajiyay

Markab sida Sokor laga soo diiday in laga dejiyo Dekeda Mombasa ee Dalka Kenya, ayaa maalmo kahor kusoo xirtay Dekeda Muqdisho.

Sokortaan oo laga keenay Dalka Brazil, ayaa dabayaaqadii sanadkii hore la geeyay Dekeda Mombasa, waxaana in halkaas laga dejiyo diiday hay’adda koontaroosha tayada maciishadaha Kenya , sababtuna waxaa lagu sheegay in tayada Sokortaas aysan wanaagsaneen iyo badqabka Caafimaad oo liita.

Intaas kadib ganacsato Soomaaliyeed ayaa qiimo jaban Kula soo heshiiyay iyagoo kusoo xiray Dekeda Muqdisho.

Markabkaan sida sokorta Caafimaadkeedu wanaagsaneen ayaa waxaa canshuuray Doowlada Federaalka Soomaaliya iyadoo qeybo badan oo kamid ah la dajiyay suuqyadana la geeyay.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.