Isbarbardhig 2-badii Sano Ee Ugu Horreysay Madaxweyneyaasha Xasan Sheekh iyo Farmaajo! (Yaa safar badan?)

Maanta waa February 8, 2019, waxaa 2 sano laga joogaa doorashada madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kaas oo sida uu afkiisa ka sheegay loo bixiyey “Farmaajo high expectations”, rajo weynna laga qabay inuu isbeddel keeno dhanka amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo dhismaha dowladnimada.

Hadaba waxaan halkan idinkugu soo gudbineeynaa isbarbardhigga waxqabadka 2-badii sano ee ugu horreysay ee dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh iyo middan madaxweyne Farmaajo.

Amniga: 2-badii sano ee ugu horreysay madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la dhisay wasaaradda gashaandhigga, xerada tababarka Nac-nac iyo golaha amniga qaranka Soomaaliyeed. Barnaamijka“high level detection program” oo xilligaas la hirgeliyey waxaa isku soo dhiibay 70 sarkaal oo ay ku jireen Xasan Daahir iyo Atam, waxaana Muqdisho laga qaaday 60 isbaaro.

Muddadii 2da-sano ee ugu horreysay dowladdii Xasan Sheekh waxaa min hal jeer la beddelay taliyeyaasha NISA, xoogga dalka, booliiska iyo xataa wasiirka gashaandhigga:  NISA:  (Axmed Fiqi oo lagu beddelay Bashiir),  xoogga dalka ah(Gen.C/qaadir Diini oo lagu beddelay Daahir Aadan Cilmi) Booliiska(Cabdixakim Daahir Saacid) iyo wasiirka gashaandhigga oo la dhacay xukuumaddii Shirdoon.

Xilligii madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la sameeyey tirakoob: Sahankan oo ay sameysay Wasaaradda Qorshaynta intii u dhaxeysay 2013-kii iyo 2014-kii ayaa lagu sheegay in qiyaasta dadka Soomaaliyeed ay yihiin; 12,316,895 (Laba iyo Toban Milyan, Saddex Boqol & Lix iyo Todobaatan Kun, Siddeed Boqol & Sagaashan & Shan Qof).

La Shaqeynta Baarlamaanka:  2-badii sano ee ugu horreysay, madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu saxiixay 9 sharci oo ka soo gudubtay golaha shacabka , halka madaxweyne Farmaajo saxiixay 4 sharci, sidoo kale ma jirin khilaaf soo kala dhex galay madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoonka, waxaana 4 sano la dhammeystay Guddoomiye Jawaari halka Madaxweyne Farmaajo ay is khilaafeen isaga iyo guddoomiyaha golaha shacabka, taasi oo keentay inuu is-casilo Mr. Jawaari.

Midnimada Dalka: 2-badii sano ee ugu horreysay madaxweyne Xasan Sheekh waxaa meel fiican gaaray wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland, laga bilaabo 13 April 2013 markaas oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Siilaanyo isku arkeen Turkiga iyo March 2015-kii, waxaa ay labada dhinac is hor fariisteen 7 jeer oo ka dhacay Turkiga iyo Djibouti.

Intii uu madaxweyne Farmaajo xafiiska joogay ma jirin wax wada-hadal ah, bal waxaa dhacday in wasiirka qorsheynta xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya uu soo-saaray warqad deeq bixiyeyaasha looga codsanayey in aan dib loo cusboonaysiin macaamilka gaarka ah ee beesha caalamku siiso Somaliland sida ku xusan heshiiska “new deal”.

Badda: Dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa August 28, 2014 dacwad ka dhan dalka Kenya, kuna saabsan muranka dhulka u gudbisay Maxkamadda Cadliga Adduunka ee hoos tagta Qaramada Midoobey, Farmaajo iyo maamulkiisa waa ay sii-wadeen.

Arrimaha 2-bada sano ee Farmaajo lagu ammaanay waxaa ka mid ah safarkii uu ku tagay Jannaayo 2018 dowlad gobolleedyada Puntland iyo Galmudug.

Xiriirka Caalamiga: January 17,  2013: Kaddib safarka Madaxweyne Xasan ee Mareykanka, dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in markii ugu horreysey ay aqoonsatay dowladdiisa,

Xiriirka Dalalka Carabta iyo Khaliijka ayaa aad u fiicnaa, Iran iyo faafinta madhabka Shiicada ayaa lala dagaallamay, laakiin maamulka Farmaajo waxaa xumaaday xiriirka uu la leeyahay Sacuudiga iyo Imaaraadka. Afrika waxaa aad u xoogganaa xiriirka Afrika, sidoo kale Muqdisho ka dhacay shirka wasiirrada arrimaha dibadda IGAD. Isla 2-badaas sano waxaan ku biirnay Ururka Maamula Isgaarsiinta Satellityada Adduunka iyo dib u soo noqoshada xubinnimadeena baarlamaanka adduunka.

Xiriirka beesha caalamka iyo madaxweyne Xasan aad ayuu u fiicnaa marka la barbardhigo madaxweyne Farmaajo oo maamulkiisa uu ceyriyey wakiilka qaramada midoobey u fadhiyey Soomaaliya, sidoo kale waxaa xusid mudan in ay dacweeyeen safaarado dhowr ah oo ka howlgala Muqdisho.

Arrinta ugu muhiimsan ee 2-badaas sano uu qabtay madaxweyne Farmaajo waa heshiiska isdhexgalka geeska Afrika. Arrinka kale ee madaxweyne Farmaajo lagu ammaanay waa inuu weli la joogo ra’iisul wasaarihii ugu horreyey dowladiisa halka madaxweyne Xasan ay is khilaafeen ra’iisul wasaarihiisa, waxaase xusid mudan in xukuumadda la dhacday ra’iisul wasaare Shirdoon ay aheyd 10 wasiir halka isbeddelka wasiirrada ee xukuumadda Kheyre ay gaareen 20 wasiir.

Safarrada Dibadda Ah: Madaxweyne Farmaajo waxaa uu markii murashaxa ahaa dhalleeceeyey safarrada dibadda ah ee hoggaanka dalka, laakiin isbarbardhigga waxaa lagu ogaaday in Farmaajo uu 10 safar ka badan yahay Xasan Sheekh, isaga oo 2-badii sano ee tagtay galay 40 safar oo dibadda ah.

Gabaggabo: isbarbardhiggaan 2-bada sano ah oo aan faahfaahintiisa cid walba la wadaagi karno waxaa soo baxday in maamulkii madaxweyne Xasan Sheekh uu ka fiicnaa midka madaxweyne Farmaajo marka la eego amniga, kobaca dhaqaalaha, dhismaha hey’adaha dowliga ah iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

Xigasho: Goobjoog

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.