Ciidamo Itoobiya ka socda oo Muqdisho imaanaya

Qorshe Doowlada Itoobiya u hirgali waayay 2016 xiligii Doowlada Xasan Shiikh, ayaa u muuqda mid hadda u hirgalay.

Itoobiya oo magac u yaal ahaa uga tirsan ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM, ayaa sanadkii 2016 dooneysay ineey ciidamo keento Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, balse waxaa arintaas ku gacan seeyray Doowladii Xasan Shiikh iyo dalalka kale ee ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

General Itoobiyaan ah, ayaa shalay la wareegay taliska ciidamada AMISOM, kadib mudo dheer oo ay Itoobiya ka biyo diidaneed arintaas, iyadoo shuruud uga dhigtay in ciidamadeeda ka howlgalaan Muqdisho iyo agagaarkeeda.

Warar Hoose ayaa Midnimo.com u xaqiijiyay in 1000 askar oo Itoobiyaan ah ka howlgali doonaan Gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle, waxaana lagu badeli doonaa ciidamada Uganda iyo Burundi.

Arintaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo shaki weyn laga muujiyay heshiisyo uu madaxweyne Farmaajo lasoo galay madaxda Itoobiya iyo Ereteriya.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.