Somali-Canadian loo haysto weerarkii Dusit D2 oo maxkamad kasoo muuqday

Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo C/xakiim Guuleed oo 45-jir ah waxa uu ka mid ahaa dadkii lagu xiray Nairobi, kadib, weerarkii ay Al-Shaabaab bishan 15-dii ku qaadeen Hotelka Dusit D2 oo ku yaalla bartamaha Nairobi.

Waxa uu bishan 18-dii ka soo muuqday Maxkmad ku taalla Nairobi, wax dacwad ah laguma soo oogin, wuxuuna Garsooruhu amray in Guuleed Yuusuf iyo dhowr kale lagu sii hayo xabsiga muddo 30-maalmood.

Dacwad-oogaha Guud ee dalka Kenya, Nuuradin Haji oo la hadlay Warbaahinta CBS ee dalka Kanada ayaa sheegay inay Mas’uuliyiinta baarayaan Wicitaan Telefoon oo uu C/xakiim Guuleed ka helay mid ka mid ah dadkii weeraray Hotelka Dusit D2 ee Nairobi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray in C/xakiim Guuleed  loo haysto inuu Fariin qoraal ka diray Telefoon ku diiwaan gashan magaca Xaaskiisa.

Dhinaca kale, Eedeysanaha walaalkiisa oo lagu magacaabo Cabdul Guuleed ayaa sheegay inay Ciiddanka Kenya Walaalkiisa ka soo qabteen xilli uu joogay guriga Qoyskiisa oo ku yaalla Xaafadda Islii ee Nairobi.

Abdul Guuleed waxa uu tilmaamay inuu walaalkiisa yahay qof aan wax dembi ah lahayn, isla markaana uu Kenya u yimid  xaaskiisa, lana  filayey inay labadooda dhawaan dib ugu soo laabtaan Kanada.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.