Cabdi Ileey oo maanta Maxkamad lasoo taagayo

Cabdi Maxamuud Cumar waxaa la xiray, kadib, dagaal 3 maalmood ka dhacay caasimadda Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee  Jigjiga bishii August ee sannadkii hore.

Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Ethiopia ayaa soo saaray War ku aadan in Baaritaan socday 5 bilood kadib ay go’aamiyeen in Cabdi Mxaamuud Cumar iyo 45 Saraakiil la shaqeyn jirtey oo 40 ka mid ah weli baaxsad yihiin la soo taago Maxkamad.

Agaasimaha Isgaarsiinta ee Xafiiska Xeer ilaalinta Ethiopia, Zinabdu Tunu ayaa u sheegayWeriyayaasha  in Maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar geysteen Tacadiyo, iyadoo dad badan nolosha lagu gubay, kuwo surka laga jaray iyo kuwo kale oo la jir-dilay, waa sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka waxa uu sheegay in 48 qof la dilay, 266 kalena lagu dhaawacay intii ay socdeen iska horimaadyadii Qomiyadda Soomaalida iyo Oramada dhex maray sannadkii hore.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.