Shaqaalaha Dekeda Berbera oo lagu qasbay qaadashada Baasaboorka Soomaaliga

Shirkada maamusha Dekeda Berbera (DO World) ee laga leeyahay Dalka Imaaraadka, ayaa shaqaalaha ka howlgala halkaas ee u dhashay Somaliland ku amray qaadashada Baasaboorka Soomaaliga.

Faadumo Saciid Ibraahim, oo ah la taliyaha arrimaha Dibadda ee Gudoomiyaha Xisbiga Wadani, ayaa sheegtay in shaqaalahan tababar loogu qaadayo Dalka Imaaraadka, taasna ay ka dambeyso in lagu amro qaadashada Baasaboorka Soomaaliga maadaama Aanan wali la aqoonsan Baasaboorka Somaliland.

Faadumo Saciid, ayaa shir jaraa’id oo ku qabatay Hargeysa sheegtay, in shaqaalaha lagu amray ineey Garowe ka doontaan baasaboor Soomaaliga.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.