Sh.Shariif oo sheegay in hogaanka dalk uusan laheen karti alshabaab lagula dagaalamo

Madaxwaynihii hore Ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed Oo la hadalay Jariidada The Standard ayaa sheegay in karti la aanta hogaanka soomaaliya ee hadda jira Ee dhan dib u soo noolaynta Nabadda iyo Amniga ay ku khasabtay in uu dib ugu soo laabto Siyaasadda Somaliya Shariif Sheekh oo laba bilood ka hor Aas Aasay Xisbiga Himilo Qaran oo ah xisbi Siyasadeed Ayaa sheegay in xilligii uu hayay Xilka uu Dagaal kaga adkaatay Al shabaab, balse markii uu xilka ka dagay ay dib u soo Rogaal Celiyen Alshabaab.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in Mudadii uu kursiga ku fadhiyay oo ahayd intii u dhaxaysay 2009 kii ilaa 2011 kii uu Awooday in uu dib u soo nooleeyo nabada islamarkaana dalka uu Midoobay Sida uu Sheeku Yiri..

Awood la’aanta dowlada hadda ka jirta Soomaaliya awgeed ayaa igu dhalisay inaan markale siyaasadda ku soo laabto.”ayuu u sheegay wargeyska Standard Digital Shariif Sheekh Axmed.

Wareysi uu siiyay wargeyska The Standard ayuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ku sheegay in xilligii uu hayay talada dalka Soomaaliya uu ku guuleystay dagaalkii lagula jirey Al-Shabaab balse markii uu kursiga baneeyay ay awoodii Al-Shabaab dib u soo laabatay.

“Xilligii aan Madaxweynaha ahaa waxaan ku guuleystey inaan dib u soo celiyo amaankii Soomaaliya wadankana waan mideynay.”ayuu yiri Sheekh Shariif toddobaad kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen dhisme ku yaal magaalada Nairobi.

“Waxaan dadaal u geli doonaa sidii beesha caalamka ay qeyb uga qaadan lahayd xoojinta awoodda ciidamada Soomaaliya.”ayuu sii raaciyay Shariif Sheekh Axmed.
Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa labo bil ka hor ugu dhowaaqay xisbiga Himilo Qaran oo uu hogaamiye u yahay.

“Waxaan cadeynayaa inaan calanka u qaadi doono xisbiga Himilo Qaran doorashada 2020,Waxaan dareensanahay in dowlada hadda ka jirta dalka aysan waxba u qaban dadka waxaana doonayaa in aan mideeyo Soomaaliya oo aan ka dhigo mid awood leh.”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Wargeyska Standard ayaa daabacay in kahor intaan loogaga guuleysan doorashada uu Sheekh Shariif dad badan aaminsanaayeen inuu yahay “Aabaha Soomaalida Cusub” maadama uu horseede u noqday dal muddo labaatan sano burbursanaa uuna noqday hogaamiyihii Maxkamada Islaamiga.

Xilligii uu hogaanka dalka hayay ayay dowladii uu hogaaminayay ee ahayd mid kumeel gaar ah waxa ay ku guuleysatay inay ka saarto Al-Shabaab caasimada dalka ee Muqdisho iyo deegaanada u dhow dhow iyadoo kaalmo laga helayay ciidamada Midowga Afrika

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.