Waa maxay sababta xubno katirsan (UPD) ugu biirayaan Himilo-Qaran?

Xisbiga (UPD) ee uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa waxaa shalay isaga baxay xildhibaan Maxamed Xasan Idiris (Ganeey). Kaasoo bartiisa Facebooka ku shaaciyay inuu isaga baxay.

Xildhibaan ayaan sheegin sababta uu uga baxay xisbiga (UPD). balse wuxuu ku gaabsaday inuu uga baxay sababo isaga u gaar ah.

“Sida uu qabo qodobka 22-aad ee Dastuurka waxaan maanta oo ay tahay taariikhda 21 janaayo 2019 inaan ka baxay xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD.

“Xisbigaan waxaan galay anigoo xor ah, hadana waxaan ka baxayaa anigoo xor ah” ayuu hadalkiisa kusoo gaabiyay Xildhibaanka.

Xildhibaan C/laahi Maxamed Nuur, ayaa horay uga baxay Xisbiga UPD, waxaana warar hoose oo soo baxaya ay sheegayaan in labadaan Xildhibaan ku biirayaan Xisbiga Himilo-Qaran ee uu hogaamiyo madaxweynihii hore Shiikh Shariif.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.