Nairobi: Masuul ku baaqay in Soomaalida ku laabtaan Dalkooda

Guddoomiyaha Gobalka Tana River ee dalkaasi, Dhadho Godhana waxa uu ka codsaday dhamaan Qaxootiga Soomaalida ku nool Kenya inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo oo uu sheegay inay Dowlad ka jirto, isla markaana uu dalku nabad yahay.

Waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu shalay Arday heshay Deeq W/barasho kula hadlay Degmadda Hole ee ka tirsan Gobalka Tana River, wuxuuna xusay inay Qaxootiga Khatar weyn ku yihiin Ammaanka Kenya.

Guddoomiyaha Gobalka Tana River ee dalkaasi, Dhadho Godhana   waxa uu tilmaamay inay Somalia leedahay Nidaam Dowladeed oo la mid ah Dowladda, isla markaana ay Muwaadiniinta Soomaalida xor u yihiin inay meesha ay doonaan ka degaan dalkooda hooyo.

Waxa kale oo uu sheegay inay Ciiddanka Hawlgalka AMISOM  taageero ka geysteen soo-celinta Nabadda Somalia, isla markaana loo bahaan yhaay inay Qaxootiga Soomaalida ka cabsanin inay dalkooda hooyo ku laabtaan

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.