Maxaa kasoo baxay kullankii dhex maray Keenyaawi & Kheyre

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Cali (Kenyaawi) oo kamid ah culimada Soomaaliyeed, maalahaanna Muqdisho ka weday wacyi-gelin uu bulshada Soomaaliyeed ugu dhiirri gelinayay in is cafiyaan.

Ra’iisul wasaarha ayaa Sheekh Maxamed Ibraahim Cali kala hadlay ololaha uu sheekhu ku doonayo in bulshada Soomaaliyeed isku cafiso, waxa uunna ku dhiirri geliyay in uu sii laba jibbaaro.

Waxaan maanta xafiiskeyga igu soo booqday Sheekh Maxamed Ibraahim Cali Kenyaawi oo kamid ah culumada Soomaaliyeed. Waxa aan uga mahad celiyay ololaha Is-cafis ee uu ka billaabay dalka. Waa barnaamij ay bulshadeenu u baahnayd si aan dalkeena dib ugu dhisno”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.