Wasiir ka socda Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Suleyman Soylu, ayaa aqbalay casuumaadda uu u fidiyay Wasiirka amniga ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in dhamaadka bisha March ama billowga bisha April uu imaan doono Muqdisho.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuuakar Islow (Ducaale) iyo Suleyman Soylu oo ah Wasiirka Arrimaha gudaha dalka Turkiga ayaa ku kulmay magaalada Ankara.

Kulanka labada Wasiir waxaa diirada lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal,iskaashiga iyo hubinta heshiisyadii hore u dhexmaray labada dowladood.

Wasiir Islow ayaa Suleyman Soylu u fidiyay casuumaad la xiriirta inuu booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho, isagoo balanqaaday inuu iman doono Somaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga ayaa sheegay in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu dhaafsiisanyahay diblomaasiyad, Isagoo ku sifeeyay Shacabka Soomaliyeed kuwo u damqada Dowladda iyo Shacabka Turkiga.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.