Sawiro: Wararkii ugu dambeeyay weerarka Nairobi

Afhayeenka Hawlgalladda Milliteri ee Al-shabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab oo la hadlay Telefishinka Aljazeera ayaa sheegay inay iyagu mas’uul ka yihiin qaraxyadii iyo iska horimaadka haatan ka socda Dhismaha Hotelka Dusit ee ku yaalla Degmadda Westland see Galbeedka Nairobi.

“Waxaan haatan hawlgal toos ah ka wadnaa gudaha Nairobi” ayuu yiri Afhayeenka Hawlgalladda ee Alshabaab oo la hadlay Telefishinka Aljazeera.

2 Qarax iyo is-rasaasayn ayaa laga maqlayey Dhismaha Hotelka iyo Xafiisyadda ku hareeraysan.

Taliyaha Boliska Nairobi, Philip Nadolo ayaa sheegay inay hareereeyeen dhamaan Deegaanka Hotelka, wuxuuna sheegay inay weerarkaasi u qaateen dhac hubeysan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Balse, Afhayeenka Boliska Kenya, Charles Owino oo la hadlay Tleefishinka CITIZEN waxa uu sheegay inaan meesha laga saari karin in weerarkaasi yahay waxa uu ugu yeeray weerar Maleeshiyo, waa sida uu hadalka u dhigay.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.