Dulyar: Maxeey tahay baahida ajnabi loogu magacaabayo Bangiga Dhexe?

Wallow aanan hubin run iyo been waxeey tahay hadana Maalmahaan waxaa aad loo hadal hayaa Nin Ajnabi ah ayaa Gudoomiyaha Bank dhexe loo magacaabayaa, waxeyna doodu tahay waa loo magacaabi karaa iyo xaq maaha in loo magacaabo iyadoo la heli Karo ruux Soomaaliya oo kaalintaas buuxin kara.

Markeey halkaas taagan tahay waxaa durba ku hor imaanaya su’aalo dhowr ah sida:-
-Inkastoo bishii August ee na dhaaftay Jagadan la xayeysiiyay hadana sidee Ajaanibtu uga qeyb qaadatay tartanka iyadoo aanu sharciga dalkeenu dhigeyn iney ka qeyb qaadan karaan ?
-Maxey tahay baahida keeni karta xiligan In magacaabis noocaan ahi timaado?
-Ma waxaa Soomaali oo dhan laga dhex waayay ruux aqoontaas leh?Mise wax kalaa jira?
-Maxaase horta u diidaya ruux Ajnabi ah ee aqoontaas leh una tartama in loo magacaabo Gudoomiyaha Banka dhexe?

-Hadii hadaba uu Isniinta wax ka badel Baarlamaanku ku sameeyo sharciga Bank Dhexe iyada oo aan tartan furan oo Soomaali iyo Ajnabiba aysan ugu wada tartanin jagadaas, loo dhiibo Nin dibada laga soo magacaabay dabcan markaa wey iska cadahay in uu ruuxaasi yahay ruux meelo naga koreeya laga soo magacaabay ka dib markii muluqmuluqda Soomaalida lagu aamini waayay kaalmada dhaqaale ee dibada nooga timaada iyo kuwa canshuuraha ah ee ka yimaada gudaha Soomaaliya,xaalkeenuna waxa uu noqon doonaa mid markale magan u noqda gacmo shisheeye.

-Hadiise sida dad badan oo Qurbaha jooga u fikirayaan loo fikiro waxba kuma jabna in ruux ajnabi ah uu dalkale xil noocaan ah ka qabto sida aad ku aragteen dalalka aad la nooshihiin,?
-Waxaanse idin weydiin lahaa weli ma aragteen idinku ruux Soomaaliya jooga oo Xil looga magacaabayo dalalka aad joogtaan?

-Ugu dambeyn waxaan qabaa in jagadaas hadiiba laga fursan waayay inta sharciga wax laga bedelo in laga dhigo mid loo wada tartami karo Soomaali iyo Ajnabiba laguna soo kala xusho tartamayaashaas aqoontooda,waana muhiim in howshaasina tahay mid aaney cid kale ama gacmo kale ku wehlineyn dowlada Soomaaliya.
-MAXAA YAAB ISDABAYAAL .!!!

Mahadsanid

Waa Aragtideyda

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.