Muqdisho iyo Cayaalkii Culimmada Ku Jisaartey

  1. Akhri Intaadan Ka Hadlin: Muqdisho iyo Cayaalkii Culimmada Ku Jisaartey!!

Marka hore ma aqaano xikmadda ay dowladda federaalka ah ka leedahay inay is cafiyaan dad da’doodu u dhaxeyso 15-20 jir, oo aanan jooginba wixii dagaalo sokeeye ahaa. Dhinaca kale, ilaa xalay waxaan arkayey dad leh dadka culimo ayey la’yihiin! Taasina waa sumcad dil qorsheysay oo culimda Xamar lala rabo!

Muqdisho ma aha meel diinta Islaamka ay gariib ku noqtay ama culimo la’aan ah, ee cayaal igu sawir iyo ninka ay u socdaanba waa isku aragti, oo waxaa ay sawir qaldan ka bixinayaan Muqdisho, dadkeeda iyo culimadeeda!

Marka laga soo tago, Muqdisho iney tahay magaaladii Sheekh Maxamed Macalin, Sheekh Cumar Faaruuq, Sheekh Shariif Cabdinuur, Sheekh Maxamuud Qawi iyo Sheekh Ibraahim Suuley, waxaa hadda duruus ka bixiyan oo aan dhammaantood kala sheekeystay dacwada iyo caqabadaha heysta culimo badan:

Culimada culuumta diinta akhrisa ee aan la hadlay waxaa ka mid ahaa: Sh. Bashiir Axmed Salaad, Dr. Axmed Iiman, Sheekh Nuur Jaamac , Sheekh Axmed Sheekh Xasan Qudhubi , Sh.Nur Barud Gurxan, Sh.Cali Wajiis, Sh. Abukar Xasan Maalin, Sheekh Cabdulahi Cusmaan Macalin(Minhaaj), Sheekh Maxamed Cabdisalaan (Guud), Sheekh Axmed Yare, Sh. Yusuf Cali Ceynte, Sh.Maxamed Aw Cabdulle Cariif, Dr. Ibraahim Dasuuqi…….!!

Arrinta showga diineed nabad iyo nolol oo markii ugu dambeysay aan ka hadlaayo waxaan reer Muqdisho u sheegayaa in: Haddii aad rabtaan hanuun, diin barasho iyo baraarug cusub waxaa Muqdisho idiinla joogo culimo madhab iyo dariiqo kasta ah, mas’uulka ka ahaa ilaalinta diinta Islaamka, culimo dadka diinta barayey inta aanu yarkan dhalan, culimo aan dhaheyn “waan is buurteen” dad rasaas dartiisa ugu dhaawacmay!!

Aniga Weli Ma Hadlin!!

Waxaa qoray: Abdi Aziz Ahmed Gurbiye

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.