Faarax C/qaadir oo eedeyn kulul usoo jeediyay DF

Faarax C/qaadir oo horay u soo noqday Wasiirkii Cadaaladda iyo Dastuurka ee Xukuumaddii hore haatana ah Xildhibaan katirsan baarlamanka ayaa waxa uu taabtay sida loola dhaqmo xubnaha mucaaradka ku ah Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo iyo falcelinta ay kala kulmaan dhaliishooda, si loo saxo khaladaadka mararka qaar la muujiyo.

Mr Faarax Sheekh C/qaadir ayaa sheegay inay weerar iyo ceebeyn wajahaan Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada farta ku fiiqa khaladaadka ka dhaca Xukuumada Soomaaliya, isagoo tilmaamay in dhaqankan uu yahay mid ay la timid Dowladdan cusub oo aanay jiri jirin in la ceebeeyo xubnaha muujiya dhaliisha dowladda.

“In la cambaareeyo oo la ceebeeyo oo lala dagaalamo qofka kaa ra’yiga duwan waa dhaqan cusub oo dowladdan cusub la timid, wixii wanaagsan waa lagu taageerayaa laakiin jidka qaloocan marka la tilmaamo dadka ayaa loo muujinayaa” ayuu yiri Faarax C/qaadir.

Mar uu ka hadlayay in arrinta ku saabsan in dadka ka fikirka duwan dowladda hadda jirto in loo arko inay xildoon yihiin, waxaa uu meesha ka saaray in siyaasadda xilligan isku hayaan in nimanka hadda xukunka haya iyo niman horay xukunka u hayay.

“Sheekada ah hebel baa xildoon ah, hebelaa xukuumaddii hore ku jiray, dad xukuumaddii hore ku jiray baa Xukuumaddan hadda ku jira, dad xukuumaddii hore mucaarad ku ahaa, baa xukuumaddan ka tirsan, dad xukuumaddii hore mucaarad ahaa baa tan mucaarad ku ah, nolosha siyaasadeed ee dadka waa soconeysaa, imisa wasiir ayaa xilka laga qaaday, imise Taliye ayaa xilka laga qaaday, mid Ra’iisul Wasaaraha shalay xil u magacaabay ayaa 3 bilood kaddib xilka laga qaaday, aniga ma qabo mushkiilada in loo muujiyo niman xukumadd, niman hadda xukunka heysta iyo niman ka horeeyay oo xukunka hayay inay is heystaan haba yaraatee ma jirto”ayuu yiri Xildhibaan Faarax C/qaadir.

Waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday xariggii Mukhtaar Rooboow, isagoo sheegay in Dowladda markii horeba ay meel sare geysay Wadaadka markii dambena ay ka soo xirtay Baydhabo.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.