Yariisoow oo ka hadlay goorta ay Muqdisho yeelaneyso maqaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow ayaa markii u horeysay ka hadlay arrinta Maqaamka Muqdisho, isagoo sheegay in sanadkan uu yahay sanadkii maqaamka Muqdisho iyo sidii shacabka Muqdisho aayahooda uga tashan lahayeen, una heli lahaayeen matalaadooda, ulana mid noqon lahaayeen Gobolada kale.

Arrinta ku saabsan ka hadalka Maqaamka Muqdisho ayaa noqday lagama hadlaan, tan iyo markii uu xilkiisa ku waayay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, kaasoo sanadkii hore iclaamiyay shirweyne dadka Muqdisho uga tashanayaan matalaadooda siyaasadeed iyo sidii ay xuquuqdooda ku heli lahaayeen, waxaana taasi keentay inay isku khilaafaan Madaxda sare ee dowladda, isla markaana xilka laga qaado.

Lama oga in Guddoomiye Yariisow ay iyana salfan doonto ka hadalkiisa maqaamka Muqdisho, taasoo ah markii u horeysay oo uu soo hadal qaado, ku dhowaad sanad oo uu xilka hayay, waxaana haddii ay dhacdo in xilka laga qaado uu noqon doonaa Guddoomiyihii labaad ee xilka looga qaado arrinta Maqaamka Muqdisho.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.