QM oo xadideysa shaqaalaheeda Muqdisbo

Warar hoose oo aan helnay ayaa waxeey sheegeyaan  in shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay ee xarunta Muqdisho ka howlgalayay kuwaasoo iman lahaa Muqdisho 6da iyo 7da bishan lagu amray inaysan tegin Muqdisho oo ay iska xaadiriyaan xafiisyada UNka ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay dhowaan in ay ka xun yihiin in ergeygii uu u magacaabay dalka Soomaaliya ay dowlada Federalka Soomaaliya ay ceyriso,balse waxa uu sheegay in uu magacaabi doono ergey cusub.

Arrintan ay Qaramada Midoobay ku dhaqaaqday ayaa dadka siyaasada u dhuun daloola waxa ay ku tilmaameen inay tahay bilowga jawaab ay Qaramada Midoobay ka bixinayso tallaabadii ay dowlada Soomaaliya ku erisay ergeygii hore ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.