Kampala: Wasiir katirsan K. Sudan oo la xiray isagoo Shiishad cabaya

Howlgalo ay ciidamada Booliska Uganda ka fuliyeen magaalada Kampala, ayay kusoo xireen wasiir ka tirsan xukuumadda Koofurta Sudan iyo dad kaloo garkabadan.

Uganda ayaa soo rogtay sharciyo mamnuucaya cabista Shiishada oo beryahan dambe si aad ah u isticmaalaan dhalinyarada geeska Afrika.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska taliyaha ugu sareeya Booliska Uganda, ayaa lagu xaqiijiyay in dadka la qabtay uu kamid ahaa wasiir katirsan xukuumadda Koofurta Sudan.

Sharciga lagu soo rogay maandooriyaha Shiishada, ayaa dhigaya in qofkii lagu qabto uu muteysan lato Hal sano xabsi ah iyo ganaax lacageed oo aad u badan.

Waxaa xusid in qaar badan oo kamid ah masuuliyiinta DF Soomaaliya ay cabista shiishada u tagaan Kenya gaar ahaan Nairobi halkaasoo laga mamnuucay maandooriyahaan.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.