Mareeykanka oo sheegay inuu yareeynayo howlgaladiisa Soomaaliya

War qoraal ah oo kasoo baxay waaxda difaaca Mareeykanka, ayaa lagu sheegay inay qorsheynayaan inay yareeyaan doorkooda Somalia iyo inay xadidaan Duqeymaha lala beegsado Dagaalamayaasha Alshabaab.

Labo Saraakiil Sarsare oo ka tirsan Milliteriga Maraykanka oo la hadlay Telefishinka NBC News ayaa sheegay inay tallaabadan caddayn u tahay inuu Maamulka Madaxweyne Donald Trump ka baaraan-degayo dhimista Ciiddamadda Maraykanka ee loo daad-gureeyey dalal ka tirsan Caalamka.

Mareeykanka iyo xulufadiisa ayaa inta badan gudaha Soomaaliya ka fuliya weeraro lagu bartilmaameedsanayo kooxda Alshabaab.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.