DF oo ku adkeeysatay eryida Haysom

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo la hadlayay Barnaamijka Martida Makarafoonka ayaa sheegay in dowladdu aysan marna aqbali doonin in Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Haysom uu mar kale kasii shaqeeyo Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa imanaya xilli ay jiraan warar sheegaya in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya ay arrinta ka wada hadleen.

Axmed Ciise ayaa sheegay in Mowqifkoodii hore uusan waxba iska badali doonin isla markaana aysan ogolaan doonin in Soomaaliya dib loogu soo celiyo Nicolas Haysom oo uu ku eedeeyay in uu u dhaqmay sida in uu isagu madax ka yahay dalka, isla markaana ay jireen qoraallo badan oo uu horay ugu gudbiyay dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in go’aankan aan lagu dag dagin, dalkana ay ka jirto dolwad doonaysa in ay umadaha kale lamid noqoto.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka jawaabaya su’aalaha laga weydiiyay rabshidihii Baydhabo oo dad ay ku dhinteen iyo xarigii Abu Mansuur.

Waraysiga oo dheer waxaad ku dhagaysan doontaan barnaamijka Martida Makarafoonka ee ka baxa VOA Soomaali habeenki Sabti ah.

Xigasho: VOA

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.