HOOYADII ISHA KALIYA LAHEYD? Q/ 1aad W/Q Siciid Xagaa

Waa sheeko aanan marnaba ka go,in qalbigeyga, uma maleynayo in qof akhristay uu ka gudbo isagoo wax ka dhihin .
Wuxuu ku bilaabay Hooyadey waxey laheyd hal il kaliya… waana necebahay waxey aheyd wax laga xishoodo. Waxey aheyd qof raashiinka u karisa ardayda iyo macalimiinta si ay nolosha qoyskeeda ugu dabirto.

Maalin ayaa waxaa dhacday xilli iskuulka uu ahaa sanad dugsiyeed ardayda qalin jibineysay ayey hooyadey timid halkii xafladda si ay ugu yaraan ii dhahdo hambalyo. Aad ayaan u necbeystay in ay timaado goobta xafladda, waxaan is iri maxey sidan kuugu sameyneysaa? Waan iska indho iyo dhago tiray anigoo muujinaya naceyb farabadan.

Maalintii xigtay ayaa mid aan isku fasal nahay igu yiri war hebaloow illeyn hooyadaa hal il kaliya ayey laheyd? …
Maalintaas in aan is duugo ( is aaso ) wax yar ayaa iiga dhinaa waxaan is iri yaa tan kaa qariya muuqeeda haba la waayo oo wejigeeda uun ku dhaafiya.

Kadib ayaan inta aan raadiyay anigoo ciil iyo xanaaq farabadan iga muuqdo ugu tagay halkii ay joogtay kuna iri hadaladan…haddiiba aad farxaddeyda dooneyso maxaad mar hore u dhiman weysay? Maxaa ku keenay goobta xafladda Subxaanna laaah wallaahi waxaan la gariirayaa in aan idin soo gudbiyo hooyo sidan wiilkeeda ku sameynaya allow hooyooyinkeen u dambi dhaaf.

Laakiin hooyadey wax jawaab ah ima siin… kama joojin aflagaadadii iyo xumaantii hal mar xitaa maxaa yeelay aad iyo aad ayaan u careysnaa waxaana go,aansaday in aan ka tago gurigeeda si arageeda aan ugu fogaado.

Waxaan noqday wiil weynaaday wax bartay soona shaqeystay illaa ugu dambeyn aan guursaday. Waxaan iibsaday guri. xaaskii waxey ii dhashay ubad. Nolosheyda aad ayaan ugu faraxsanaa laakiin maxaa dhacay? Maalin ayaa si kedis ah waxaa gurigeyga igu soo booqatay hooyadey. maaddaama aysan sanado badan I arag xitaa caruurta ay ayeeyada u tahay ma arag. Markii ay albaabka gurigeysa soo istaagtay…?
la soco qeybta 2aad dhawaan insha allah. Lana wadaag asxaabtaada laga yaabee in sheekadan qof noloshii wax ka badasho.
Siciid Xagaa
Injineerka dabiiciga ah.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.