Maxaa kusoo kordhay doorashada saakay ka dhacaysa Baydhabo?

Daqiiqado uun kadib ayaa naga xiga doorashada madaxweynaha maamulka K/galbeed oo saakay ka bilaabaneysa magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo
Magaalada Baydhabo

Waxaa socda diyaar garow xoogan, iyadoo amaankana si aad ah loo adkeeyay.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ay wehlinayaan kuwa DF, ayaa saakay isku balaariyay wadooyinka ugu muhiimsan magaalada.

Ilaa 5 musharax ayaa u taagan qabashada xilkan , saadaasha ayaana u badan inuu kusoo bixi doono musharax ay Doowlada wadato.

Doorashada madaxweynaha K.galbeed ayaa waxaa hareeyay xiisado siyaasadeed, iyadoo Mukhtaar Rooboow oo kamid ahaa musharixiinta ugu cad cadaa haystana taageerada shacabka Doowlada Xabsi ku hubsatay.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.