Fadeexad lasoo gudboonaatay Wasiirka Duulista & Hawada Soomaaliya

Shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Wasiirka Wasaaraddaasi Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar u gudbiyay Hay’adda ICAO ee fadhigeedu yahay Dalka Canada.

Dacwaddan ayaa ka dhalatay heshiiskii Dowladda Soomaaliya ay kula soo wareegtay Maamulka Hawada Soomaaliya iyo nolosha shaqaalaha ka shaqeynaya qeybta duulista Hawada.

Heshiiska Dowladda Federaalka ah iyo ICAO ay wada galeen sanadkii 2016kii ayaa waxaa uu ku saabsanaa shuruudo dhowr ah oo ay ka mid ahayd dhismaha 50 Qol oo ay degaan 50 ka qof ee shaqaalaha qeybta Maamulka Hawada ah,taas oo dowladda Soomaaliya ku qaadatay lacag dhan $1,735,000 (Hal Milyan todoba boqol, soddon iyo shan kun) oo dollar oo lagu shubay Koontada Wasaaradda ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Lacagtaas ayaa waxaa loogu talagalay dhismaha 50 Qol oo laga dhisayo Gudaha Garoonka Aadan cadde si ay ugu hoydaan shaqaalaha qofkiibana u seexdo qol u gaar a, hayeeshee kulan 6dii Bishan December Wasiir Oomaar uu la qaatay shaqaalaha ayuu ugu sheegay in dhismaha oo muddada ugu dambeysa ahaa 31da Bishan aan lagu guuleysan lana dhisay 40 Qol oo ka mid ah,shaqaalaha qaarna wali Konteenar seexdaan, sidaas darteedna ay tahay in shaqaalaha ay labo labo u wadaagaan qolalka.

Shaqaalaha ayaa arrintaas ka soo horjeestay,waxaana ay sheegeen in hadalka wasiirka uu ka hor imanayo heshiiskii ay wada galeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Hay’adda ICAO,kaas oo waafaqsanaa xeerka sugnaanta amniga shaqaalaha ICAO ee hoostaga shaqaalaha Qaramada midoobey.

Warqadda oo uu qoray sarkaalka maamulka goobta ee Laanta maamulka Hawada Soomaaliya ayaa loo diray dhamaan hay’daha qaramada Midoobey ee ay quseyso sida Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, ku xigeenkiisa iyo hay’ado kale oo ay ICAO ka mid tahay.

Shaqaalaha ayaa ka cabana 11 qodob oo saameyn taban ku yeelan kara shaqadooda iyo naftooda waxaana ka mid ah; amaanka, Caafimaadka,nadaafadda,heshiiska, Qabyaaladda, siyaasadda, mugga ama qaadka qolalka,shaqaalaha qaar oo uusan ehelkooda joogin Muqdisho, dooqa shaqaalaha iyo xifaaltanka haddii ay ay isku qol noqdaan,dhaqanka, iyo habka isbeddelka 24ka saac ee shaqada.

Cabashada shaqaalaha waxaa ka mid ah in kuwa ka soo jeeda degaannada Maamulka Somaliland ee jooga Garoonka Aadan cadde ay heysato cabsi dhinaca amaanka ah iyo wal walka ka heysta qoysaskooda.

Shaqaalaha qaar ayaa sheegay in la xiray lana handaday sidoo kalena la baabi’iyay heshiiskooda, iyaga oo lagu heysto cabashada ay gudbiyeen waxaana ay dalbanayaan in Nairobi lagu celiyo.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in lagu hayo baahinta warar been abuur ah oo lagu doonayo in lagu difaaco Wasiirka iyagana lagu sumcad xumeeyo.

Xigasho: MustaqbalRadio

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.