Faahfaahinta kullan xasaasi ah oo dhex maray Kheyre & Mursal

R/wasaaraha DF Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Mursal, ayaa Xalay kulan albaabada uxiranyihiin ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kullanka labada masuulka, ayaa ka dhacay xaruunta wasaarada waxbarashada tacliinta sare, halkaasoo amaankeeda si aad ah loo adkeeyay.

Ilowareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa midnimo.com u xaqiijiyay, in kullanka looga hadlay sidii loo xalin lahaa Mooshinka ka yaala madaxweynaha iyo xiisada ka dhalatay dooraahooyinka K/galbeed.

Sidoo kale ilowareedyada waxeey xaqiijinayaan in kullanka ladoonayay in laysugu keeno madaxweyne Farmaajo iyo gudoomiyaha Baarlamanka, balse xaajadu ka cakirantay dhinaca Madaxweynaha.

Dhinacakale xildhibaano katirsan aqalka sare ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhashay Mooshinka iyo doorashada K/galbeed.

Khilaafka u udhaxeeya sadexda masuul ee Dalka ugu sareeysa ayaa kasoo bilaawday kadib markii ay xildhibaano katirsan Baarlamanka ay Guddoonka sare u gudbiyeen Mooshin ka dhan ah madaxweynaha.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.